Kumanaan arday ah oo u fariisatay maanta imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dalka waxaa maanta si rasmi ah uga billowday imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsi Sare, kaas oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Imtixaankan oo ah mid sanad-le ah ayaa waxaa uu fariistay illaa 42, 000 (Afartan & laba Kun) oo Arday ah, sida ay shaacisay wasaaradda waxbarashada ee dowladda dhexe.

Ardayda galeysa imtixaankan ayaa sidoo kale ku kala sugan gobolka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabelle iyo Galmudug.

Warbixin kasoo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in imtixaanka maanta la daah-furay uu socon doono shan cisho, isla-markaana ay ammaanka sugayaan ciidamada dowladda.

Sidoo kale mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay inay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah, isla-markaana lagu kalsoonaan karo imtixaanka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo si rasmi daah-furay imtixaankan ayaa isna shaaca ka qaaday inay guul u tahay dowladda dhexe qaadista imtixaanka qaran ee shahaadiga ah, isagoo baaq culus u diray waalidiinta Soomaaliyeed.

Waa sanadkii todobaad oo xiriir ah oo ay dowladda Soomaaliya qaadeyso imtixaanka dugsiga sare, iyada oo loo diyaariyay qaab waafaqsan nidaamka waxbarashada dalka.

S kastaba ha’ahaatee todobaadkii hore ayaa waxaa isna la soo gabagabeeyey imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe oo ay u fariisteen in ka badan 26-kun oo Arday ah.