Sarkaal ka tirsan Jubaland iyo ilaaladiisa oo qarax lagu dilay

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland saacadihii lasoo dhaafay lagula beebgsaday qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo ka tirsan kuwa Darawiishta Jubbaland lala eegtay, xilli ay ku socdaalayeen wadada dheer ee isku xirta degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani oo ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay ciidamada Jubbaland, isla-markaana uu geystay dhimasho iyo dhawaac.

Inta la ogyahay illaa afar askari oo uu ku jiro sarkaal sare ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay qaraxaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Sarkaalka lagu dilay qaraxaasi ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Carab, iyada oo sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Ma jirto illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ay ka bixiyeen qaraxaasi iyo khasaaraha uu geystay.

Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ayaa inta badan weerar isugu jiro qaraxyo iyo kuwa toos ah oo khasaare geysta ka fulisa deegaanada maamulka Jubbaland.