Is-rasaaseyn xildhibaan lagu dilay oo ka dhacday garoonka diyaaradaha Jigjiga

Jigjiga (Caasimada Online) – Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalena waa ku dhaawacmeen is-rasaasayn gegida diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga ku dhex martay ciidanka ilaalada garoonka.

Qofka dhintay ayaa ahaa xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsan baarlamaanka gobolka Soomaalida, balse xubin ka aheyd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, waxaana ay caan ka hayd deegaanka Soomaalida.

Dadka dhaawaca ah ee la xaqiijiay waxa ku jira xildhibaan kale oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Gaaruf.

Dadka khasaaruhu soo gaaray ayaa ka dhoofayay garoonka.

Madaxa booliska deegaanka Soomaalida ayaa warbaahinta dawladda u sheegay in askari ka tirsan ciidanka ilaaladu uu rasaas ku furay dadka rakaabka ah ee safrayay.

Waxa uu sheegay in ay wadaan baaritaanno ku saabsan sida ay wax u dhaceen, isla markaana ay gacanta kusoo dhigeen askarigii dhibka gaystay.

Waxa uu sidoo kale xusay in xaaladdu ay hadda caadi ku soo laabatay. Amniga garoonka diyaaradaha ee Jigjiga ayaa waxa ilaaliya ciidanka dowladda federaalka ee Itoobiya.

Isha: VOA