Waare oo M/Goboleedyada ugu baaqay inay heshiiska shidaalka diidaan + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si aan la fileyn uga hadlay heshiiska shidaalka ee dhowaan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la saxiixatay Shirkadda Coastline Exploration.

Waare ayaa si weyn uga horyimid heshiiska dhawaan la saxiixay ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada dalka ka jira inay diidaan heshiiskaas.

Qoraal uu u diray Maamul Goboleedyada ayuu Mudane Waare ku sheegay in heshiiska uu yahay mid aan daah furneyn, islamarkaana uu khaldan yahay oo ay tahay in la diido.

“Dowlad Goboleedyada waa inay diidaan heshiiska Shirkadda Coastline Exploration/Soma Oil. Ma buuxinayo heerarka ugu yar ee tartan daah-furnaanta ah. Heshiisku waa khaldanaa xilligii Farmaajo iyo Xasan Kheyre, welina waa khaldan yahay,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Heshiiskan ayaa ka dhacay xarunta Madaxtooyada, waxaana ogolaaday Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo ay weli ku jiraan mugdi.

Dowladda Soomaaliya sharaxaad badan kama bixin waxyaabaha laga badalay heshiiskaan oo horey loo diiday xilligii dowladdii madaweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixa heshiiskaan ku qaadatay lacag gaareyso 7 milyan Dollar oo ay bixisay Shirkadda Coastline Exploration.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay inay oggolaatay heshiiskii wadaagga wax soo-saarka shidaalka ee Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration, kaasoo uu hore u saxiixay Wasiirkii hore ee Batroolka Cabdirashiid, balse ay diideen Farmaajo iyo Rooble.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa shaaciay inay lacag dhan 7 milyan oo dollar ku shubtay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

“Anagoo taageero ka helayna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, waxaan si toos ah u dhignay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya lacag dhan $7 milyan oo ah saxiixa heshiiska,” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadda.