‘Olole aan caadi aheyn oo ka dhan QATAR oo socda’

Doha (Caasimada Online) – Qatar waxaa lagu soo qaaday “olole aan caadi aheyn” oo cambaareyn ah sababo la xiriira marti-gelinta Koobka Adduunka, waxaa sidaas maanta sheegay amiirka xukuma dalkaas.

Dalkan tamarta hodanka ku ah ee ku yaalla Khaliijka ayaa balaayin dollar ku bixiyey marti-gelinta Koobka Adduunka ee ugu horreeyey ee lagu qabanayo dhul Carbeed, hase yeeshee wuxuu wajahay weeraro sii kordhaya oo ka dhan ah diiwaanka xuquuqda aadanaha.

Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa sheegay in Qatar ay dhibane u tahay “been abuur”, isaga oo tusmeeyey ujeedooyin qarsoon oo laga leeyahay dhalleeceynta ka dhanka ah.

“Tan iyo markii aan ku guuleysanay marti-gelinta Koobka Adduunka, Qatar waxaa lagula kacay olole aan caadi aheyn oo weligeed uusan wejihin dal marti-geliye ah,” ayuu yiri Amiirka oo khudbad u jeediyey golaha sharci-dejinta, 26 maalin kahor inta aanu cayaaraha billaabin 20-ka November.

FIFA ayaa Qatar ku abaal-marisay marti-gelinta koobka sanadii 2010 kadib loolan adag. Qatar ayaa wixii markaas ka dambeeyey wajaheysa su’aalo ku saabsan sida ay ula dhaqanto shaqaalaha ajnabiga ah, iyo xuquuqda haweenka iyo bulshada LGBTQ.

Toddobaadkan, dowladda ayaa si caro leh u diiday warbixin ay soo saartay kooxda xuquuqda aadanaha ee Huma Rights Watch, oo sheegtay in booliska ay si sharci-darro ah u xireen islamarkaana ugu xadgudbeen xubno ka mid ah bulshada LGBTQ.

Amiir Sheikh Tamim bin Hamad ayaa sheegay in markii hore Qatar ay “si daacad ah” u aqbashay hadallada taban qaarkood, oo xitaa ay dhalleceynta qaarkeed u aragtay kuwa togan oo wax ku ool, kana caawisay inay waxyaabaha qaar horuamriso.

“Hase yeeshee, deg deg ayey noogu caddaatay in ololaha uu sii socdo, ballaartay, kuna jirto been abuur iyo laba wejiyeyn, heer ay ka gaartay cadaawadda mid dad badan ka yaabisay sababaha dhabta ah iyo waxa dhiiri-gelinaya ololahan,” ayuu yiri.

AFP, VOA