Isaaq Yaroow oo usoo gacan galay ciidamada NISA kadib muddo 5 sano ah oo uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Nabadsugida dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool waxay kusoo bandhigeen xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay ciidamada.

Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Isaaq Cali Yaroow Cabdiraxmaan ayaa waxay sheegeen saraakiisha ciidamada Nabadsugida in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa madaxa kuwa fuliya weerarada ee Jabhadaha loo yaqaano.

Isaaq Yaroow ayaa muddo shan sano ah ka tirsanaa Al-Shabaab, wuxuuna ka qeyb qaatay weeraro ka dhacay deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Hiiraan, sida ay sheegeen saraakiisha NISA.

Isaaq oo dhankiisa la hadlay warbaahinta ayaa ciidanka Nabadsugida uga mahad-celiyey soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isagoo dagaal-yahaanada Al-Shabaab weli baaqiga ku ah ugu baaqay inay isu soo dhiiban dowladda.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay kooxda uu shanta sano kamidka ahaa inay dhibaato badan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, illaa haddana u geysanayaan dadka aan waxba galabsan.

Isa-soo dhiibista Ilyaas ayaa qeyb ka ah Shabaab badan oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay u soo gacan galayey ciidamada dowladda, waxaana maalmihii u dambeeyay kooxda ku socday dagaal adag oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah qabaa’iilada.