Sawirro: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo Villa Somalia oo shaacisay 3 qodob oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa goordhoweyd si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, ayada oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida uu qorshuhu yahay shirkaan ayaa socon doona labo maalmood ah, waxayna Madaxda Qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad-goboleedyada dalka ay ku lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda.

Shirkaan ayaa si gaar ah waxaa diirada loogu saari doonaa saddex qoodb oo kala ah; 1-Sugidda amniga dalka, 2- Wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira 3-Iyo la dagaalanka argagixisada, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay Villa Somalia.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isagu kaga qeyb-galay shirka maanta aaladda fogaan aragga, ayada maqnaashihiisa ay abuureyso tuhuno hor leh.

Shirka madaxda maamulada iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo aadaya xili xasaasi ah, waxaana lagu wadaa marka uu soo idlaado inay dhinacyad kasoo saari doonaan war-murtiyeed.