Suuqyada shaqo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka jira sarre u kac xagga Kobaca Dhaqaalaha ah kadib markii mashaariic farabadan oo kala duwan ay ka bilowdeen dhammaan deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.
Mashaariicdan waxay isugu jiraan kuwo hormarineed oo dhanka bulshada ah iyo adeegyada Dowladda.
Mashaariicandan badankooda oo Koonfur Galbeed Soomaaliya hadda ka socda waxay ka yimaadaan inta badan hay’adaha deeqaha Bixiya, ururo caalami ah, wadamo dalka Soomaaliya saaxiib la ah, ganacsato ku howlan dib udhiska goobohooda ganacsi iyo guryahooda, sidoo kale qurba-joogta kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo dadka kale oo iyagana ku mashquulsan hormarinta Deegaanadoooda.
Sidoo kale waxaa jira mashaariic kala duwan oo aad u farabadan oo si gaar ah ugu saabsan Hormarinta Nolosha Barakacayaasha, kuwaasi oo kaalin weyn ka qaata kobaca suuqyada shaqo.
Waxaa kale oo jira wax soo saarka dalagyada Qudaarta oo aad u korortey oo dhamaan Suuqyada KGS ka dhigtay kuwo mashquul ah.
Suuqyada shaqo waxay koror sameeyeen Boqolkiiba todobaatan 70% dhamaan Deeganada Koonfur Galbeed, tani waxay ugu dhigan tahay suuyada shaqo in ay ka faa’ideysan karaan shaqo abuurka dad gaaraya shan iyo toban kun oo qof (15,000 Qof) dhamaan magaalooyinka iyo dadka ku N
Nool meelaha ka baxsan magaalooyinka.
Sannadkaan gudihiisa waxaa xirfado kala duwan la siiyey dad gaaraya shan-kun iyo boqol iyo Toban qof (5,110 qof ) badankooda ay dhalayaro yihiin, si ay u awoodaan in suuqyada shaqo ka helaan ama u abuurtaan si ay isu anfacaan ayna udaboolaan baahida dhanka Xirfadaha ah oo kajira suuqyada shaqo KGS.
Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya H.E Cabdicasiis Xasan Maxamed wuxuu ku Dhawaaqey barnamijyada shaqo abuurka in Lagu daro howlaha mudnaanta kowaad leh.
Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha waxay Xooga saartay sidii hay’adaha ka hawlagala Deeganada iyo Dowladaha deeq-bixiya in Barnaamijyadooda hormarineed laga dhax helo Qorshooyinka shaqo-abuur taasi oo lagu guuleysatey.
Waxaa wakhti iyo dadaal dheer kadib ay Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha haatan xaqiijisay in suuqyada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay awoodaan in ay Shaqooyin iyo fursado ka helaan hooyooyin iyo dhalinyaro, kuwaas oo xirfadahooda kala duwan uga shaqeysan karaan isla markaana wax soo saar uga sameyn karaan qoysaskooda taasina waxaa ay kamid aheyd Tiirarkii udub dhaxaadka u ahaa Balanqaadyadii Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.
Ugu dambeyn Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Shaqada Iyo Shaqaalaha ayaa xoogga saaraysa sidii qof Waliba u heli lahaa xirfad uu ku shaqeysto Aqoonyahannaduna u heli lahaayeen shaqo.