Isbadal weyn oo ku yimid qaabka mushaarka loo siinayo shaqaalaha gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaabka loo bixinayo Mushaarka Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa isbadal weyn lagu sameeyey tan iyo markii xilkaas loo magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa soo kordhiyey system cusub oo lacagta mushaaraadka lagu siinayo shaqaalaha Gobolka Banaadir, waxaana shaqaalaha lagu wargeliyey inay akoono ka sameystaan Bankiyayada gudaha ee Muqdisho si lacagtooda loogu shubo.

Dhammaan shaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa amarkaas fuliyey waxayna sameystan akoono, wuxuuna guddoomiyaha amray in lacagta mushaaraadka akoonadaas loogu shubo, waxayna arrintaas noqotay mid si rasmi ah u hirgashay, waxayna sheegeyn Shaqalaha in markii ugu horeysay Systemkaan uu la imaaday Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed.

Shaqaalaha gobolka Banaadir ayaa markii hore lacagta si caadi ah loo siin jiray, waxayna bilaha qaar heli jireyn lacagtooda waqti aan munaasib aheyn, balse wuxuu Thaabit Amray in Mushaarkooda si joogto ah 28 Bisha loogu shubo Akoonadaas.

Markii Guddoomiyaha la magacaabay iyadoo aan laga joogin 15 berri ayuu amray in dhammaan shaqaalaha Gobolka la siiyo mushaarkooda weliba loogu shubo akoonadooda.

Mid kamid ah Shaqaalaha Xafiiska Gobolka Banaadir oo la hadlay Caasimadda Online ayaa xaqiijiyey inay dhammaan shaqaalaha ay aad ugu faraxsan yihiin inuu Guddoomiyaha cusub Thaabit Cabdi Maxamed xuquuqdooda meel fiican saaray isla markaasna ay mushaaraadkooda qaateen inta aysan bisha dhammaan.

Sidoo kale Guddoomiye Thaabit ayaa badalay qaabkii markii hore loo xaadirin jiray shaqaalaha Gobolka Banaadir oo aheyd inay saxiixaan buug weyn oo xafiiska yaalo, balse wuxuu xafiiska kusoo kordhiyey Qalabka loo yaqaan (Finger Sign) ee mashiinka ah, kaasoo keediyo waqtiyada ay shaqaalaha shaqada soo galaan iyo waqtiyada ay ka baxaan taasoo lagu tilmaamay horumar weyn oo la gaarsiiyey xafiiska.

Guddoomiye Thaabit oo ah nin dhallinyaro ah ayaa hami weyn ka leh inuu wax badan kusoo kordhiyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana jiro waxyaabo badan oo muuqdo oo uu ilaa hadda soo kordhiyey.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com