Isbaheysiga mucaaradka Somaliland oo wajahaya cadaadis hor leh iyo Muuse Biixi oo tallaabo qaaday

Hargeysa (Caasimada Online) – Isbaheysiga xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa wajahaya cadaadis hor leh, kadib markii ay xukuumadda soo faro-gelisay heshiiskii dhawaan ay ku sameysteen isbaaheysiga, kaasi oo dhigayay in labada xisbi ay kala qeybsadaan kuraasta hogaanka cusub ee golayaasha deegaanka iyo wakiilada.

Sida ay dhawaan baahisay Caasimada Online, hogaanka labada xisbi ayaa ku heshiiyey in Xisbiga Ucid uu qaato maayirka caasimada Somaliland ee Hargeysa, halka uu xisbiga Waddani isagna uu qaadanayo guddoonka golaha wakiilada, ayada oo ay socdaan shirar looga hadlayo arrintaas.

Saacado kadib waxaa bilaabmay guux ka dhashay qaabka ay xisbiyada mucaaridka u kala qeybsadeen maayirka Hargeysa iyo guddoonka golaha Wakiilada, ayada oo arrintaas uu si rasmi ah usoo faro-geliyay madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay kulan la qaatay musharaxii ugu codka badnaa ee golaha deegaanka Hargeysa, kaasi oo ka sharaxnaa xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, kadib markii uu isla shalay u direy baaq la xiriira in la tix-geliyo codadka 26-ka kun ka badan ee ay siiyeen dadweynaha caasimada.

Muuse Biixi ayaa xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge u ballan-qaaday inuu kala shaqeyn dooni sidii uu u hirgeli lahaa hankiisa siyaasadeed oo ay dadweynaha caasimada ugu hiiliyeen, taasi oo dhabar jabin ku noqoneysa qorshaha isbaheysiga mucaaridka.

“Imaatinkeenna maanta waxannu idiin ballan-qaadaynaa xaqa aad leedihiin iyo doorashada aad ka cabateen, wax Alle iyo wixii xad-gudub iyo xaqdarro ah inaanu idin kala hawl-galno in waddadii saxda ahayd lagu soo celiyo, loona maro waddo sharci ah, baaqiinniina jawaabtiisu waxa weeye waannu idin garab taagannahay, wixii xuquuq ah oo doorashadaas, cod-bixintaas iyo miisaankaas aad sidataan ku leedihiin inaannu idin kala hawlgalno,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Cabdikariin Axmed Mooge oo u sharraxan maayarnimada caasimadda Hargeysa, ayaa dhankiisa madaxweynaha si weyn uga mahad-celiyey sida milgaha iyo deg-degsiimaha leh ee uu uga soo jawaabay baaqii uu saacado ka hor u diray, waxana uu tilmaamay inay wanaagaas iyo xilkasnimadaa uu muujiyey ay marag ka tahay sida uu u dhegaysanayo baaqa shacabkiisa.

Kulanka Muuse Biixi iyo Cabdikariin Mooge ayaa waxaa ku wehlinayay qaar kamid ah golaha wasiirrada, xubno kamid ah xildhibaanada wakiillada ee dhawaan la doortay, qaar kamid ah xubnaha golaha deegaanka ee dhawaan caasimadda loo doortay iyo haldoor kale.