Madaxweyne CAGJAR iyo ONLF oo weerar isku qaaday

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Ethiopia, Mustafe Muxumed Cumar ayaa weerar afka ah ku qaaday ururada mucaaradka deegaankaasi, ayada oo uu bilowday loolanka u dhaxeeya xukuumadda iyo ururada siyaasaddu.

Madaxweyne Cagjar ayaa ku eedeeyay ururadaas oo qeyb ka tahay ONLF inay hayso fahan daro dhanka siyaasada, xilli doorashada dalka ay ka harsan tahay wax yar labo todobaad.

Hadalka madaxweynaha DDS oo ka careysiiyay mucaaridka ayaa waxaa si kulul uga jawaabay ururka ONLF, kaasi oo madaxweyne Cagjar ku sifeeyay inuu hogaanka u hayo maamul fashilmay.

Afhayeenka ururka ONLF, Cabdiqaadir Xasan Hirmooge ayaa sheegay in Cagjar uu ku fashilmay hirgelinta nidaam dowli ah oo shacabka dib ugu celiya canshuurta laga qaado.

Hadalladaan ayaa kusoo aadaya xili ay xukuumadda iyo ururada siyaasaddu isku hayaan sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida dadka cod-bixiyeyaasha ah ee dhawaan codkooga ka dhiiban doono doorashada loo ballansan yahay.

Waxaa deegaanka Soomaalida oo kamid ah 10-ka dowlad deegaan ee xubinta ka ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya ka socdaa diyaar-garow xoogan oo loogu jiro sidii ay doorasho guud deegaankaasi uga dhici lahayd, inkasta oo xisbiyada mucaaradka ay walaac ka muujiyeen geeddi socodkii diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, ayaga oo ka cabanaya guddiga doorashooyinka.

Waxaa xusid mudan in Guddiga doorashooyinka ay hakiyeen diiwaan-gelinta dhowr iyo toban deegaan doorasho oo ay cabasha ka soo gudbiyeen xisbiyada deegaankaasi oo mucaarad iyo muxaafidba isugu jira.