DF oo billowday bixinta tallaalka 2-aad ee COVID-19

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalka oo dhan uu ka bilowday qaadashada qeybta labaad ee tallaalka ka hortaga cudurka Coronavirus/Covid-19.

Dadka aan weli qaadan taallaalkii qeybtiisi hore ayaa qeyb ka ah cida loo diyaariyay tallaal cusub oo lagu magacaabo “Sinoofam”, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

SINOOFAM ayaa kamid ah tallaalada ay u aqoonsan tahay hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO inay yihiin kuwo loo isticmaali karo ka hortaga cudurka Coroanvirus/Covid-19.

“Sida ay Dadweynaha Soomaaliyeed wada ogsoon-yihiin Tallaalka ka hortagga cudurka COVID-19 waa laba jeer, sidaa awgeed Wasaaradda Cafimaadka waxey dadki horey u qaatay Tallaalkii 1-aad ee cudurka Covid-19 ku wargelinaysaa in dhamaan dalka oo dhan laga bilaabay bixita Tallaalkii 2-aad (Dooska Labaad),” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaa dadwaynaha lagu boorinayaa inay tagaan xaruumaha caafimaad ee loo asteeyay inay ka qaataan tallaalka 2-aad (Dooska Labaad).”

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in mudnaanta koowaad ee qaadashada tallaalkaan la siinayo Shaqaalaha Caafimaadka, Macalimiinta, Ciidamada, Shaqaalaha Dowladda Hoose,llaallada Kontroolada laga soo galo ee dalka, dadka da’dooda ka sareyso 50 sano lyo dadka qaba cudurada raaga sida Macaanka, Dhiig Karka, Wadno Xanuunka, kalyahaXunuunka, kuwaasi oo ahaa dadkii markii u horeysay lagu bilaabay Dooska Koowaad ee tallaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore dalka u keentay tallaalka Covid-19 oo qeybtiisi 1-aad ah, kaasi oo wasaaradda caafimaadka ay siisay kumanaan ruux oo ku nool magaalada Muqdisho, islamarkaana gaarsiisay gobolada dalka.