Isimada Puntland oo aqbalay dalabkii madaxweyne Deni

Boosaaso (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee Puntland ayaa aqblay codsi uga yimid madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo ku aadanaa inuu la kulmo isimada si loo soo afjaro xiisada ka jirta Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in isimadu ay soo dhoweeyeen dalabka madaxweynaha, isla-markaana ay maanta la kulmi doonaan, si ay uga wada-hadlaan xaaladda taagan.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrinta PSF ee dhalisay dagaalladii ka dhacay Boosaaso ee u dhexeeyey ciidamada labada dhinac.

Sidoo kale wada-hadalladan cusub ayaa ku soo aadayo, iyada oo Deni uu dhaqangeliyay mid kamid ah soo jeedinta isimada oo ahayd in gacanta maamulka Dekedda Boosaaso laga saaro shirkadda P&O ee hoostegta isutagga Imaaraatka Carabta oo ugu dambeyn aqbalay.

Waxaa sidoo kale labada dhinac ay dood ka yeelan doonaan wax ka beddalka go’aanadii ay horey u soo saareen odayaasha ee ku aadanaa xal u helista khilaafka Deni iyo PSF.

Dhanka kale madaxweyne Saciid Deni ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta gobolka Bari oo uu kala hadlay amniga guud ee Boosaaso.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed Puntland oo haatan Boosaaso ku sugan ayaa ujeedka uu u yimid waxaa sidoo kale qayb ka ah kuraasta xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee taalla gudaha magaaladaas oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland.