CIIDAMO cusub oo maanta soo gaaray MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa ciidamo horleh oo dheeraad ah usoo dirtay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna ciidamadan qayb ka yihiin kuwa booliska ee magacooda loo soo gaabiyo FPU.

Qoraal kasoo baxay Uganda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadan ay ka qayb ka qaadan doonaan howlgalka Midowga Afirca, isla-markaana ay ka shaqeyn doonaan horumarinta shaqada booliska AMISOM, sare u qaadista sharciga iyo dadaallada xasilinta Soomaaliya.

Daniel Okello oo ah taliye ku xigeenka guutadan ayaa u sheegay wariyeyaasha inay si gaar ah ula shaqeyn saaxibada kale ee ka socda dalalka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

“Waxaan la shaqeyn doonnaa saaxiibada ka socda dalalka kale ee booliiska ee gacanta ka geysanaya soo celinta nabadgalyada iyo dhismaha ciidamada Soomaaliya inta lagu jiro xilliga kala guurka ah,” ayuu yiri Daniel Okello oo ah taliye ku xigeenka guutadan cusub.

Sidoo kale bayaankan ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadan ka socda dalka Uganda ay marka hore qaadan doonaan karantiil laba toddobaad ah oo khasab ah si waafaqsan tallaabooyinka ka hortagga COVID-19 ee ay dejisay wasaaradda caafiimaadka Soomaaliya

Uganda ayaa ugu horreysay dalalka ciidmada booliska ah ugu deeqay howlgalka AMISOM, kuwaas oo sidoo kale ay ka mid yihiin Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Ghana iyo Zambia.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa hadda ku jirta xaalada kala guur ah iyo doorasho, waxayna imaatinka ciidamadan kusoo aadeen, xilli uu bilaabanayo howlgal loogu magac-daray ATMIS, kaas oo bedelaya howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka socda Soomaaliya.