XASAN Sheekh Maxamuud waa siyaasi aragti buuxda ka haysta shantan qodob

Soomaalida haddii waayeel siyaasadda dalkeenna ee wareersan weeleyn karaa ku haray waa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waayeelnimada Xasan, waxaa u dheer aragti iyo ogaal is barkan. Xasan waa siyaasi aragti buuxda ka haysta qodobadaan;

(1) Xasan waa siyaasi aragti ka haysta dowladnimadeenna taagtaagan (vertical) oo tigtigan (authoritarian) ee hab dhaqankeedu siyaasadeed iyo maamul ka soo maaxanayo kelitaliskii ina soo maray. Aragtida keligi taliyaha looga hortagayo waa awood baahin, maamul daadejin iyo ka heshiinta Qodobka 54 ee Dastuurka Federaalka.

(2) Xasan, waa siyaasi meel marin kara Dowlad qaab–dhismeedkeedu ballacsanyahay (horizontal governance) oo ka kooban ugu yaraan saddex (3) heer oo xiriiriye, xeeriye iyo xakameeyo u tahay dowlad federal ah oo damaaanad qaadeysa xorriyadda iyo madax bannaanida muwaadinka ee hadalka, aragtida iyo isu soo baxa salmiga ah

(3) Midnimada, wadajirka iyo wadahadallada Somaliland waxuu ka aaminsan yahay in la doodo, la isu garaabo, la garnaqsado, laguna heshiisyo dowlad iyo dastuur damaanad qaadaya in aan dalkaan xukunkiisa dib dambe xoog iyo qori lagu qabsan.

(4) Aragtidiisa idleynta Al Shabaab waa in xoog iyo xeelad ba lagu dayo. Dagaal shan (5) irdood ah in marka hore lagu wiiqo cududdooda. Marka xiga in wadahadal, heshiis iyo nabad lagu dayo.

(5) Aragtidiisa dhaqaalaha waa suuq xor ah oo tartan furan mabda u yahay. Xasan waa waayeel dhidibada u taagi kara dowlad aan ayadu sicirka badeecadda iyo suuqa jaan goyn ee dejisa shuruucda lagu hagayo iyo isu socodka beecmushtariga.

Ugu dambeyn, Xasan waa ruux degan oo dulqaad iyo xurmo badan. Xirfad ahaan waa macalin xifaaltanka ka jecel xalka, kala tagga ka jecel kalsooni–dhis iyo wadajir.