Kooxda ISIS oo Bagdad qarka u saaran iyo wararkii ugu dambeeyey ee Ciraq

Baghdad (Caasmada Online) – Ciidamada dowladda Ciraq, ayaa dagaal xooggan kula jira kooxaha muqaawamada Sunniyiinta, oo tan iyo toddobaadkii tagay soo jaray dhul badan, si ay ugu soo siqaan magaalada caasimada ah ee Baghdad.

Ciidanka dowladda ee badankood ah Shiicada, ayaa isku dayaya inay ka hor istaagaan kooxdan inay soo gasho magaalada Baghdad.
Kooxda ISIS, ayaa iminka gacanta ku dhigay qeybo ka mid ah magaalada Bacquba oo kaliya 60 KM  u jirta magaalada Baghdad.

Wararka ayaa sheegaya in 44 maxbuus lagu dilay kadib dagaal ka dhacay saldhigga booliiska ee magaalada.

Ra’iisul wasaaraha gobolka is-maamul hoosaaska ee Kurdiyiinta Nechrvan Barzani, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ciraq aysan hal dal isku sii ahaan doonin, sababta oo ah Sunniyiinta oo aaminsan in laga qadiyey dowladda shiicada ay hogaamiso.

Waxa uu sheegay inay adkaan doonto in Ciraq ay kusoo laabato xaaladdii ay ku sugneyd, ka hor inta aysan kooxda ISIS weerarka soo qaadin.

Dowladda Ciraq, ayaa dhankeedana soo saartay bayaan ay ku eedeysay dowladda Saudi Arabia inay taageereyso kooxaha Sunniyiinta, oo ay maal gelisay.

Si kastaba, kooxda ISIS ayaa la rumeysan yahay in ujeedkeeda uu yahay inay gacanta ku digto magaalada Baghdad.

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa 275 askari geysay magaalada Baghdad, si ay u ilaaliyaan shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Baghdad.

Caasimada Online
Xafiiska Riyaadh
Caasimada@live.com