Khudbaddii XASAN ee BFS oo dhalisay carro iyo xidlhibaano ku dhaartay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Khudbaddii uu madaxweyne Xasan Sheekh  shalay u jeediyey Xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya, ayaa dhalisay wareer, ayada oo ay si xun u fasirteen xildhibaanada qaarkood.

ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ka hadlay khudbad uu shaley madaxweynaha ka hor jeediyay baarlamaanka hortiisa kulan ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka.

Kulanka maanta oo ay ka soo qeybgalee in ka badan 140 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaayay afhayeenka baarlamaanka Pro Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana inta uusan kulanka billaan xildhibaannada uu weydiiyay in ay jiraan xildhibaanno ka hadlaya khudbadii madaxweynaha.

Ilaa afar xildhibaan ayaa isku soo taagay in ay ka hadlaan, waxana ay madaxweynaha ku eedeeyeen in uu si bareer ah u af lagaadeeyay xildhibaannada oo uu yiri ma shaqeestaan.

Waxay ka codsadeen madaxweynaha in uu raaligalin ka bixiyo hadalka uu sheegay iyagoona intaas ku daray in ay xaq u lee yihiin xildhibaannada baarlamaanka in la xisaabtami karaan madaxweynaha.

Waxa ay sheegeen haddii uusan raali-gelinka bixin ay ayagana qaadi doonaan tallaabo uu ku shallaayo.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxammuud ayaa shaley xildhibaannada kula hadlay hadalkii ugu kulalaa isagoona sheegay in xildhibaannada baarlamaanka intooda badan in ay shaqo ka dhigteen in ay dhaleeceeyaan uun madaxda dowladda iyagoo laga rabay in qabtaan shaqooyin muhiim ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com