Maamulka Shabele State oo saldhigtay Marka iyo qorshe cusub oo ay wataan

Marka (Caasimada Online) – Magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose waxaa maanta oo Talaado gaaray wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Shabeelle State Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi)

Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Muxyidiin Xasan Afrax oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in wafdiga maanta gaaray Marka uu ujeedkooda yahay siddii u damin lahaayeen collaada ka taagan gobalka Shabeellaha Hoose iyo in xaruntooda ay ka dhigtaan magaaladaas.

Wuxuu sheegay in wafdiga uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Shabeelle State in ay xaruntooda ka dhigan doonaan Marka iyagoona kulamo la yeelan dadka deegan labada Shabeelle oo maamulka uu ka dhisan yahay.

Wuxuu sheegay oo kale in ay Imaatinka wafdigan uu qeyb ka yahay siddii dib u heshiisiin loogu sameen lahaa maleeshiyo beeleedyada ku dagaallamaya Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, maamulka Shabeelle State ayaa ka mid maamulada sheegta gobalka Shabeellaha Hoose balse aaney jirin wax qabad buuran oo la taaban karo.

Dhinaca kale, waxaa gobalka Shabeellaha Hoose ku sugan wafdi kale oo ka socda dowladda Soomaaliya kuwaasoo halkaas u joiga siddii loo joojin lahaa collaado soo noqday oo gobalka ku dhexmaray maleeshiyaad u abaabulaan qaab beeleed.

Wafdiga dowladda waxaa hoggaaminaya wasiirka gaashandhigga ahna sii hayaha wasiirka amniga Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, waxaana ay kulamo la qaateen odayaasha iyo wax garadka ka soo jeeda maleeshiyaadka ku dagaallamaya gobalkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com