Iska horimaad ka dhashay is-hortaag lagu sameeyey Waare oo sababay dhimasho iyo dhaawac (Faah-faahin)

Jawiil (Caasimada Online) – Iska hor-imaad ayaa maanta ka dhacay deegaanka Ceel-Gaal ee gobolka Hiiraan kadib markii is-hortaag lagu sameeyey madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare oo kusii jeeday degmada Jawiil.

Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib markii dad ka careysan safarka madaxweynaha ee degmada Jawiil, oo ay soo abaabuleen odayaal ku beel ah madaxweynaha, ay banaanbax rabshado watay ka sameeyeen deegaanka Ceel-Gaal.

Waxaa kadib halkaas ka dhacay iska hor-imaad kooban oo dhex-maray ilaalada madaxweyne Waare iyo maleeshiyaad qeyb ka ahaa banaanbaxa, kuwaas oo diidanaa in Waare uu ka gudbo deegaankaas oo uu gaaro degmada Jawiil.

Goobjoogeyaal ayaa Caasimada Online u sheegay in hal qof uu ku geeriyooday iska hor-imaadka islamarkaana mid kale uu ku dhaawacmay. Dhibanayaasha ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dibad-baxayaasha.

Madaxweyne Waare ayaa degmada Jawiil u tagi lahaa inuu xariga kasoo jaro mashaariic halkaas lagu filinayo oo lagu horumarinayo degmada, taasi oo odayaasha banaanbaxa soo abaabulay ay kasoo horjeedaan.

Ma cadda sababta ay odayaasha Ceel-Gaal ku diidan yihiin horumarinta degmada Jawiil, balse wararka ayaa sheegaya inay salka ku hayso arrimo qabiil.

Waxaa degmada Jawiil hadda ku sugan guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka HirShabelle Canab Axmed Ciise oo madaxweynaha kusoo dhoweyn lahayd.

Weli deegaanka Ceel-Gaal ayaa waxaa laga dareemayaa xiisad, waxaana ku sugan wafdiga madaxweyne Waare oo ay qeyb ka yihiin wasiiro iyo xildhibaano.