Xaqiiqda ‘cafiska’ ay qoyska Khaashuqji u fidiyeen kuwii dilay aabahood la kashifay

Riyadh (Caasimada Online) – Aqoonyahan u dhashay dalka Sacuudiga ayaa sheegay in laga yaabo in qoyska suxufigii la dilay ee Jamal Khashoggi ay u cafiyeen kuwii dilka geystay “cadaadis iyo cagajugleyn” uga yimid xukuumadda Riyadh darteed.

Abdullah Alaoudh, oo ka tirsan Jaamacadda Georgetown, ayaa maqaal uu ku qoray Washington Post waxaa uu ku sheegay in qoyska Jamaal Khashoggi oo sheegay in ay cafiyeen kuwii dilka geystay aysan waxaba uga duwaneyn qoys walba ee reer Sucuudi ah oo cadaadis iyo cagajugleyn kala kulma Dowladda.

Isagoo tilmaamay kiisas la mid ah kii ku dhacay Khashoggi ayaa aqoonyahanka reer Sucuudi waxaa uu yiri “waxaan goob joog u nahay kiisas aan horay loo arag oo qoysaska laheysteyaal loo isticmaalayo si loo cabsigeliyo dadka xuquuqda aadanaha u dooda iyo qoraayaasha dibadda jooga.”

Alaoudh waxaa uu hadalkan sheegay kadib markii Salah Khashoggi oo uu dhalay wariyihii la dilay uu jimcihii bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu cafiyay dadkii aabihiis dilay.

Gabadhii u doonaneyd Khashoggi, Hatice Cengiz ayaa diiday go’aanka ay qoyska wariyuhu ku sheegeen in ay cafiyeen dilaayaashii, waxayna sheegtay in aysan cidna xaq u lahayn in ay dambiileyaasha cafiso.

Waxay sheegtay in Khashoggi uu “noqday astaan caalami ah oo ka weyn qof kasta ee naga mid ah, lana jecel yahay.”

Khashoggi oo wax ku qori jiray Washington Post islamarkaana cambaareyn jiray Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa la dilay meydkiisana la jarjaray kadib markii lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ku leeyahay Istanbul, 2-dii October 2018.

Qaar ka mid ah Dowladaha reer galbeedka iyo hey’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da ayaa baaristooda kusoo geba-gabeeyay in Maxamed bin Salmaan uu amray dilka wariyaha.

Iyadoo 31 qof lagu eedeeyay dilka, keliya 11 ka mid ah ayaa lagu maxkamadeeyay meel qarsoon oo ku taalla Riyadh. Maxkamad ayaa shan ka mid ah ku xukuntay dil toogasho ah saddex kalena xabsi, saddexna dambi ku weysay.