Isku socodka Muqdisho iyo BAYDHABA oo xayiran iyo xiisad xooggan oo taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in maanta uu gebi ahaanba xiran yahay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ee gobolkaasi.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen dad deegaanka ah arrintaan ayaa imaneysa kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay isbaaro dhigatay tuulada Sharay ee duleedka degmada Walanweyn, islamarkaana ay diideen in wadadaasi ay maraan wax gadiid ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in halkaasi ku xayiran yihiin gaadiid badan oo isugu jira kuwa xamuulka iyo kuwa rakaabka, kuwaasi oo kusii jeeday magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Arrintan oo maanta saameyn ku yeelatay isku socodka gadiidka iyo dadka ee waddada xiriirka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli ay soo baxayaan warar sheegayay in isbaaro dadka lagu baado lasoo dhigay dhanka galbeed ee degmada Walanweyn.

Isbaaradaasi oo maalmihii dambe taallay halkaasi ayaa waxaa la sheegay in lacag looga qaado gaadiidka, ayada oo masuuliyiinta maamulka degmada ay sharci darro ku tilmaameen isbaarooyinkaas, islamarkaana loola dagaalami doono sida Shabaab oo kale.

Xiisaddan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xilli uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya guddoomiyaha degmada Walanweyn iyo ku-xigeenkiisa oo iyagu ah ka degmo ahaan maamulkii loo igmaday inay wax ka qabtaan dhibaatada ka tagaan halkaasi.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore si adag uga digtay isbaarooyinka, iyada oo sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono, waxaana weli deegaano kamid ah gobollada laga soo sheegaya inay ka jiraan isbaarooyinkaas, oo bulshada dhib badan ku haya.