Sawirro: MUUSE BIIXI oo sameeyay dhoollatus, amar culus-na faray ciidamada

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kormeer dhoollatus u muuqday ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland, xilli uu maanta markale dagaal xooggan uu dib uga qarxay magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Gashaandhiga, Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye-gaas Nuux Ismaaciil Taani, Abaanduulaha Ciidanka, Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud iyo saraakiil kala duwan oo ku sugnaa taliska guud.

Madaxweynaha ayaa warbixin la xidhiidha amniga iyo difaaca qaranka ka dhageystay wasiirka wasaaradda gashaandhiga oo uu wehelinaayo taliyaha ciidamada qaranka Somaliland, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa madaxweynaha u sheegay in ciidamada ay heegan buuxa ugu jiraan marwalba difaaca, dalka iyo dadka, cidkasta oo qarankan hagardaamo la damacsana ay ku dhufanayaan dhirbaaxo aanay mahadin, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamada Qaranku marnaba ma aanay ahayn kuwo loo baqo ee waxay yihiin kuwo difaac adag ugu jiraan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo muwaadiniintiisa,” ayuu yiri Wasiirka Gashaandhiga, Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Muuse Biixi ayaa intaas kadib waxa la sheegay in uu ciidamada Somaliland ku bogaadiyey kuna dhiiri-gelinayaa dadaalka, kartida iyo adkaysiga ciidannimo ee ay muujiyeen kuna difaacayaan dhulkooda iyo weerarada kaga imanaya huwanta ka dagaalamaysa Laascaanood.

“Waxaanu madaxweynuhu sidoo kale bogaadiyey bahda caafimaadka ee dedaalka Qarannimo la barbar taagan ciidamada Qaranka. Dhinaca kalena waxa uu madaxweynuhu bogaadiyey bahda warbaahinta oo uu xusay doorka ay ku leedahay arrimaha Qarannimada iyo shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee taageerada la barbar taagan ciidamada Qaranka.”

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu booqday xerada ciidanka birmadka, oo iyaga la sheegay inay “hadh iyo habeenba heegan ugu jiraan hawlaha deg-dega ah ee amniga sidii ay ugu gurman lahaayeen marka loo baahdo.”

Ugu dambayntiina waxa uu faray ciidamada kala duwan ee Somaliland inay laba jibaaraan dadaalkooda, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan “cidii dhibaato la damacsan amniga Qaranka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Muuse Biixi.