Farriinta ugu weyn ee safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee degamada Aadan Yabaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Aadan Yabaal oo dhowr billood kahor laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab oo sanado badan ka talineysay ayaa la filayaa inay noqoto mid kamid ah goobaha laga hoggaaminayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Magaaladan taariikhiga ah ayaa ku jirta soo kabasho tan iyo markii awood ciidan looga saaray kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dhowrkii billood ee lasoo dhaafay waday dadaalka dib u qaabeynta wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Hal mid oo badi Soomaalida, gaar ahaan siyaasiyiinta ay isku raacsan yihiin waa in Xasan Sheekh ay ka go’an tahay inuu soo afjaro Al-Shabaab.

Safarka madaxweynaha ee degmada Aadan Yabaal ayaa kusoo aadaya iyada oo shalay ay Al-Shabaab weerartay Ruun-nirgood oo aan wax badan ka fogeyn Aadan Yabaal, laakiin taasi ma baajin safarka madaxweynaha.

Wuxuu kale oo safarkiisa kusoo aadaya iyada oo hakadka dagaalka uu sababay in Al-Shabaab ay muujiso soo rogaal-celin iyo inay weerartay dhowr farriisin oo ciidanka dowladda ay lahaayeen.

Sida aan kasoo xiganay xubno ka tirsan Villa Somalia, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqi doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, si gaar ah madaxweynaha ayaa la filayaa inuu iclaamiyo qabashada magaalooyin ay kamid tahay degmada Ceel-buur oo ay muddo dheer ka talineysay kooxda Al-Shabaab.

Wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ayaa waxaa ka qeyb-galaya ciidanka Itoobiya, kuwaasi oo hadda soo galay dhanka Hiiraan, Gedo iyo Bakool.

Sidoo kale Kenya, Jabuuti iyo dalal kale ayaa wajiga labaad ee dagaalka ka qeyb-galaya, iyada oo ciidanka wajiga labaad aanay qeyb ka aheyn ama ay ku shaqeynayn magaca howl-galka Midowga Afrika ee la yiraahdo ATMIS, balse waxay toos uga amar qaadanayaan taliska ciidanka xoogga dalka.

Iyada oo dad badan ay sugayaan inuu wajiga labaad ee dagaalka halmar ka wada billowdo Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Jubbaland, haddana dhinaca kale faah-faahino gaar ah oo aan helnay waxay sheegayaan in hadda mudnaan la siinayo in la isku wada furo Galmudug iyo HirShabelle oo kooxda Al-Shabaab halkaas laga soo wada saaro.

Hoggaamiyaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa isagna ku sugan degmada Aadan Yabaal. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba la aaminsan yahay in kab iyo ballan-qaad u helay wajiga labaad ee dagaalka.

Sidoo kale waxaa muuqata rejo ah in la joogo xilligii Soomaalida ka xoroobi laheyd fikirka argagixisada ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya dagaalka Al-Shabaab ee hormuudka u yahay madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayaa fursad weyn u arka in kooxaha argagixisada ah laga saaro dalka, si loogu gudbo wax soo saar iyo tartan caalami ah.