Somaliland oo war kasoo saartay dagaalkii maanta iyo ‘cidda hoggaamineysay’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war kasoo saartay dagaalkii maanta markale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in dagaalkii maanta ay ciidanka Puntland iyo kooxaha nabadiidka ay kusoo qaadeen fadhiisamaha ciidamadeeda ku sugan duleedka magaalada Laascaanood.

“Kooxaha huwanta ah ee isugu jira ciidanka maamulka Puntland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah ee ku sugan Laascaanood ayaa barqadii Maanta oo ah maalintii afraad ee bisha barakaysan ee Ramadaan, waxay weerar ku soo qaadeen fadhiisimada ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan duleedka Magaalada Laascaanood.”

Somaliland ayaa sidoo kale waxay sheegtay in si adag ay iskaga difaaceen ciidamadeeda weerarka ay kusoo qaadeen kooxaha ay sheegtay in maalmihii u dambeeyay abaabulkooda uu socday oo uu hogaaminayo maamulka Puntland.

“Ciidanka Qaranku marnaba weerar maanu ahayn, oo wuxuu ilaalinaya xabad joojintii xukuumaddu ku dhawaaqday tiraba dhawr jeer,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland.

Dhinaca kale ee isku hayaan dagaalka Laascaanood ayaa waxay ku eedeysay in marnaba aysan xeerineyn xilliga lagu jiro ee bisha Ramadaan, “xiligan lagu gudo jiro bisha Ramadaan ee khayrka leh oo ah bil cibaado iyo Alla ka cabsi, balse aanay huwantu xeerinayn wanaaga Alle ina faray.”

Marka laga yimaado sheegashada Somaliland, majirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha SSC iyo maamulka Puntland, oo isagu dhawr jeer hore iska fogeeyay in uu qeyb ka yahay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Dagaalka maanta markale dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ayaa kusoo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyay xaaladda magaalada ay aheyd mid deggan, inkasta oo ay is horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.