Ujeedka saraakiil sare oo ay Ethiopia usoo dirtay Somalia

Beledweyne (Caasimada Online) – Wafdi ay hoggaaminayaan saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidanka dowladda Itoobiya ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Itoobiyaanka ee ka degay Beledweyne ayaa waxaa horkacaya General Tesfaye iyo General Xaaji oo kamid ah saraakiisha sar-sare ee dalka Itoobiya, waxaana safarkaan ku wehlinayay sarakiil kale.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka safarka saraakiishaan ayaa u daaran sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen wajiga labaad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo dhawaan ka bilaaban doona gobolka Hiiraan iyo qeybo kale oo dalka.

Ciidanka Itoobiya ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dhawaan bilaaban doona ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo la filayo in maalmaha soo socda ay gaaran gobolka Hiiraan, ayada oo ciidankaas qeyb ka mid ah ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Wafdiga Itoobiyaanka ee horkacayaan saraakiisha ciidamada ayaa waxay kusoo aadayaan, iyada oo Beledweyne uu dib ugu laabtay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, kuna dhawaaqay inuu dib u bilaaban doono wajiga labaad ee howl-galka Hiiraan ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxaa shalay ka dhacay howl-galadii u horeeyay ee muddo toddobaadyo ah kadib kooxda Al-Shabaab loogala wareegay deegaano dhowr ah oo hoostaga oo ka tirsan gobolka, kuwaasi oo ay fuliyeen ciidaamo deegaanka ah oo dhawaan ka baxay magaalada Muqdisho.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in sababta dagaalka socday uu hakad-ka ugu yimid ay tahay inuu socdo diyaar-garowga wejiga labaad ee dagaalka, oo ay sheegtay inay qeyb ka noqon doonaan ciidamo ka socda dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.