Sawirro: Sidee madaxweyne Xasan Sheekh loogu soo dhoweeyey Aadan Yabaal?

Muqdisho (Caasimada Online) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada deeganadii laga xoreeyay Khawaarijta ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha, oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa kulan la qaatay qaybaha bulshada degmada Aadan Yabaal oo ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladaha nololeed ee deegaanka, iyaga oo uu xusay in degmada aysan ka jirin adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo korontada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada degmada Aadan-yabaal uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada Qaranka ayaa sheegay in degmada iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-Shabaab, si degdeg ah loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah isaga oo sidoo kale ka dalbaday bulshada deegaanka in ay ka hortagaan in deegaanka lagu dhibaateeyo dadka socotada ah.

Dhankale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka oo uu ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hooyeen dagaalka Khawaarijta isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Waxaa loo adkeeyay ammaanka degmadaasi, si loo xaqiijiyo amniga madaxweynaha waxaana ciidamo dheeraad ah la geeyay halkaasi.

Waxaa sidoo kale madaxweynuhu tegi doonaa xeryaha ciidamada, si uu dhiirageliyo, una kormeero sida ay tahay xaaladdooda, maadaama ay ku jiraan xaalad dagaal.

Aadan Yabaal ayaa waxaa markii la xoreeyay horay ka booqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe.

Waa markiisii koowaad ee uu madaxweyne Xasan tagayo Aadan Yabaal kadib markii dagaal looga qabsaday kooxda Al-Shabaab oo lagu jabiyay howlgallada ka socda HirShabelle.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa horay u booqday deegaano ku yaalla Shabeelaha Dhexe, sida Nuur Dugle, Masaajid Cali Guduud iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug.