Wararkii ugu dambeeyay weerar iyo dagaal maanta ka dhacay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in markale uu maanta dagaal dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay duleedka magaalada, kaas oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay qaadeen ciidanka Somaliland oo weeeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka, waxaana kadib sidaas ku qarxay iska hor imaadka.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay maqleen daryanka rasaasta iyo hubka culus ee ay si weydaarsanayeen labada dhinac

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland iyo saraakiisha SSC oo ku aadan dagaalka saaka dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood.

Dagaalkan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo beryihii u dambeeyay xaaladda magaalada ay aheyd mid deggan, in kasta oo ay is horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.

Sidoo kale waxaa weli suuragalin wadahadalka labada dhinac, ayada oo dadka deegaanka ay shuruud ka dhigeen in marka hore la soo saaro ciidamada Somaliland.

Lama iga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa haatan soconaya dagaallada kala duwan oo nabadeed, waxaana ku biiray odayaal ka baxay magaalada Muqdisho.