Axmed Madoobe oo qaaday tallaabo deg deg ah oo la xiriirta xaaladda Baardheere

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadda degmada Baardheere, halkaasi oo ay ka taagan tahay xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Baardheere ayaa waxaa ku dhuftay daadad xoogan oo sababay burbur, dhimasho iyo barakac horleh, kadib markii dadka deegaanka deegaankaasi ay soo food-saartay xaalad nololeed oo adag.

Guddiga uu magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe oo ka kooban shan xubnood ayaa waxay ka shaqeyn doonaan sdiii gurmad deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka musiibadan ay saamaysay, sida lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.

Xubnaha guddigan oo xukuumadda ah ayaa waxay kala yihiin;

  1. Axmed Xasan Cumar -Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maaraynta Musiibooyinka.
  2. Maxamed Axmed Cusmaan – Wasiir Dowlaha Madaxtooyada.
  3. Cabdiraxmaan Cabdi Axmed – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga.
  4. Axmed Maxamed Axmed – Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimandka.
  5. Axmed H. Baraki – Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Biyaha.

Waa markii labaad ee fatahaada wabiga Jubba ay saameyn xoogan u geysato dadka ku nool degmada Baardheere iyo deegaanada hoosyimaada, ayada oo todobaadkii hore ay daadadka ku dhinteen illaa 9 qof, saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda adag ee ka taagan degmada ayaa sidoo kale waxaa ku barakacay kumanaan qoys, ayada oo saacadihii lasoo dhaafay ay ku geeriyoodeen illaa lix qof oo saddex kamid ah ay ahaayeen isku qoys.