Saciid Deni oo weji gabax iyo dhalleeceyn kala kulmay kulankii beesha caalamka

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weji gabax iyo dhalleeceyn kala kulmay kulan uu magaalada Nairobi kula qaatay wakiilada beesha caalamka, waxaa sidaas qoray wargeyska The East African ee Nairobi.

Kulanka, oo dhacay Isniintii, ayaa ka dhashay go’aanka ay Puntland ku sheegtay inay u dhaqmeyso “si ka madax-banaan” dowladda federaalka, iyo inay qaadacday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabtay magaalada Baydhaba. 

Madaxtooyada Puntland ayaa kadib kulanka faafisay hadal u muuqday inay ku dhiiratay inay beesha caalamka u sheegtay sababta ay u qaadacday shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

“Waxaan u sheegnay sababta aan u qaadacnay kulamada,” waxaa sidaas yiri xubin ka tirsan madax-tooyada Puntland, isaga oo ula jeeda deeq bixiyayaasha caalamka, oo ay ku jiraan Mareykanka, UK, Midowga Yurub iyo Bankiga Adduunka.

Hase yeeshee, safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, ayaa sheegtay in Puntland lagu amray inay dib ugu laabato Golaha Wadatashiga Qaran.

“Deeq bixiyayaasha caalamka ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda in Puntland ay si wax ku ool ah uga qeyb-qaadato horumarka dowlad dhiska Soomaaliya, oo ay ku jirto ka qeyb-galka buuxa ee Golaha Wadatashiga Qaran,” ayey tiri safaaradda Mareykanka.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ka kooban madaxda sare ee dowladda federaalka, madax maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. 

Saciid Deni ayaa qaadacsanaa golaha tan iyo bishii December isaga oo ku doodaya in Puntland ay diidan tahay hannaanka federaalka iyo garsoorka Soomaaliya, ayna si madax-banaan u dhaqmeyso inta Soomaaliya ay ka yeelaneyso dastuur dhameystiran.

Madaxweyne Xasan Maxamuud ayaa horey u sheegay in ficillada Puntland ay yihiin kuwa aan habbooneyn. “Ka dowlad federaal ahaan. Waxaan u aragnaa dhammaan muwaadiniinteena kuwa siman, dowlad goboleedyadana waa la mid,” ayuu yiri madaxweynaha.

Tan iyo markii looga adkaaday doorashadii madaxweyne ee Muqdisho, Saciid Deni ayaa dib ugu laabtay Puntland, isaga oo billaabay “qorshe doorasho,” oo uu sheegay inuu u ogolaanayo shacabka Puntland inay codeeyaan.

Hase yeeshee mucaaradka Puntland ayaa qorshahaas ku macneeyey xeelad dib loogu dhigayo doorashada madaxweynaha Puntland oo ay tahay in la qabto bisha Janaayo 2024.

Deni ayaa hadda u muuqda nin cadaadis kala kulmay dhinacyo badan, una soo jeestay dagaal siyaasadeed dad badan ka yaabiyey.

Wuxuu la dagaalay dowladda federaalka, wuxuu ka careysiiyey mucaaradka Puntland oo u arka inuu doonayo muddo kororsi, wuxuuna hadda wajahayaa cadaadiska beesha caalamka oo ah inuu la heshiiyo dowladda federaalka.