Xog: Deeq-bixiyeyaasha Soomaaliya oo dalbanaya arrin ka dhan ah ciidamada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo ah dal ay ragaadiyeen colaado iyo xasillooni darro ayaa sannadihii u dambeeyay dadaal ugu jirtay dib u dhiska ciidanka.

In kasta oo ay jiraan dadaallo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ay ku taageerayaan geeddi-socodka, haddana tayada iyo qalabka ay heystaan millateriga waddanku ayaa wali ah mid mid ka hooseeya halkii la doonayay.

Caqabadaha ugu waaweyn ee dowladda Soomaaliya ay kala kulmeyso dhismaha ciidamada waxaa ka mid ah cadaadis kaga imaanaya deeq bixiyayaasha oo  dalbanaya in lagu soo koobo tirada ciidamada oo kaliya 18,000 oo askari, taasi oo aad uga yar inta loo baahan yahay in si hufan loo sugo amniga dalka. 

Ciidanka ayaa hadda lagu qiyaasaa ku dhowaad 30,000, inkasta oo aan la ogeyn tirada saxda ah ee shaqeysa, maadaama askar badan ay magac ahaan un jiraan. 

Waxaa suurta-gal ah in beesha caalamka ogtahay in tirada 30,000 aysan sax aheyn, sidaas darteedna ay dooneyso in dowladdu la timaado tiro huban.

Xaaladda ayaa waxaa sii cusleeyay khataraha amni ee ka imanaya kooxda Al-Shabaab oo weeraro badan ka gaystay dalka, inkastoo sanadkii lasoo dhaafay guuldarrooyin culus la gaarsiiyey.

Hase ahaatee, horumarka laga sameeyay ciidan dhiska dalka ayaa ahaa mid gaabis ah, iyada oo caqabado badan ay soo food saarayaan dadaalladaasi.

Deeq bixiyayaasha ayaa ku andacoonaya in haddii la dhiso ciidamo badan ay aad qaali u tahay in la sii wado taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyaan ciidanka.

Laakiin, khubaro badan ayaa ku doodaya in ciidan ballaarani ay lagama huraan tahay, haddii ay Soomaaliya rabto inay si hufan u sugto xuduudaheeda, oo ay ilaaliso muwaadiniinteeda.

Soomaaliya waa dal weyn oo kala duwan, waxaana meelo badan oo dalka ka mid ah ka jira colaado iyo amni darro.

Helitaanka ciidan ballaaran oo tiro weyn, oo si wanaagsan u qalabaysan ayaa suurto galin kara in ay caqabadahaasi si ku filan wax uga qabtaan, sidoo kale waxay awood u yeelan lahaayeen inay taageeraan dadaallada dowladda ee lagu taaba galinayo gaarista hadafyada xasilloonida iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Arrinta tirada ciidamada kaliya maaha caqabada hortaagan militariga Soomaaliya. Arrimaha kale waxaa ka mid ah qalab la’aan iyo tababar la’aan, musuq maasuq iyo faragelin siyaasadeed oo lagu hayo arrimaha ciidamada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlaneyd sidii ay wax uga qaban lahayd arrimahaas, balse horumarrada la gaaray ayaa ah kuwo gaabis ah, waxaana weli ciidamada xoogga dalka ay yihiin kuwa aan heysan qalab ku filan oo tayo leh.

Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, ayaa haddana waxaa soo baxayay ifafaalooyin horumar oo wax ku ool ah sannadihii u dambeeyay, iyadoo dowladdu ay ku howlan tahay sidii ay saldhigyo ciidan oo cusub uga hirgelin lahayd dalka oo dhan. 

Dowlada ayaa sido dadaal ugu jirtay sidii loo kordhin lahaa tirada askarta ka tirsan ciidanka, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadda ciidamada iyo sidii loo dhimi lahaa musuqmaasuqa ka dhex jira ciidamada.