Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay degmada Wadajir

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeaal oo maanta lagu qaaday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Madaafiicda ayaa lagu soo warramayaa inay qaarkood ku dhaceen guryo ay dagan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla agagaarka Ceelka Sablaale oo ka tirsan degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaashaas oo ku dhacay guryahooda, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga.

Sidoo kale weerarkan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ayaa cabsi xoogan ku beeray dadka deegaanka, maadaama ay kusoo waabariisteen dhawaqa hoobiyeyaal ku dhacaya Wadajir.

Ciidamada ammaanka oo sidoo kale goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, kadib madaafiicda lagu gaaracay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weerarkaas iyo sidoo kae howlgallada xigay.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya caasimada, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo, dilal qorsheysan &  dhac ay geysanayaan kooxo burcad ah.

Dhacdooyinkan ayaa sidoo kale kusoo aadayo, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howlgallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo ciyaal weerarada ee ka socda caasimada.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo horay loogu jabiyay dagaallada tooska ah ee ka socda gobollada dalka ayaa haatan culeyska ugu xoogan soo saartay magaalada Muqdisho.