Isla xisaabtanka xukuumadda oo billowday iyo R/W Xamza oo maanta tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta bilaabay kulamo muhiim ah oo uu la yeelanayo wasaaradaha, si uu ugula xisaabtamo waxyaabihii ka qabsoomay ballan-qaadkii ay horey u kala saxiixdeen.

Kulamada isla-xisaabtanka oo lagu furay wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, ayaa ra’iisul wasaaruhu waxa uu mas’uuliyiinta wasaaradda wax ka weydiiyey waxyaabaha ka qabsoomay balan-qaadkii ay horey u kala saxiixdaan ee la xiriiray waajibaadka wasaaradda.

Masuuliyiinta mashaariicda wasaaradda gacanta ku haya ayaa kulankaan uu la yeeshay ra’iisul wasaaruhu ku soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay.

Sidoo kale waxay la wadaageen waxa aan u fulin iyo caqabadaha siyaasadeed iyo farsamo ee heysta, iyada oo ra’iisul wasaaruhu mid mid su’aalo uga weydiiyay masuuliyiinta mashaariicdaasi maamula.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa faray wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada in ay noqoto mid ka hufan musuq maasuq, bulshadana loogu adeego si daacad ah.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu faray in wasaaradda ay wax la taaban karo ka qabta sameynta isbitaallo, keyd daawo, qalab iyo wacyigelin bulsho, iyada oo la raacayo balanq-aadkii ay horey u kala saxiideen.

Ugu dambeyntiina waxa uu si gaar ah u faray wasiirka in uu xaqiijiyo in hawl kasta ay ku fusho xilligii loogu tala-galay, taasi oo xoojineysa isla xisaabtanka xukuumadda oo si rasmi ah u billowday.