Uganda oo laba arrin midkood ka fakareysa kadib weerarkii saldhigga Buulo-Mareer

Kampala (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Buulo Mareer ee kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday saldhiga ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ee magaaladaasi, waxay dowladda Uganda wajaheysay cadaadis gudaha oo la xiriira arrintaas.

Dadka reer Uganda qaarkood ayaa waxay dalbadeen in ciidamada laga soo saaro Soomaaliya, maadaama ay sheegeen “in si bahal-nimo ah ugu dhimanayaan dal kale,” halka qaar kale ay dowladda usoo jeediyeen in loo aargudo askartooda.

“Waa dareen isku jira qaar waxay nagu tirtirsiinaya in aan aargudano, qaar kalena waxay doonayaan in ciidanka laga soo saaro sababto ah waxay leeyihiin ciidankan waddankeena uma dhimanayaan ee dad kale ayay madaxooda ku dhimanayaan,” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Uganda oo wareysi uu siiyey VOA uga hadlay dareenka uga yimid dadka reer Uganda.

Waxa uu intaas kusii daray “Annaguna waxaan leenahay waa in aan joogna (Soomaaliya) si Afrika oo dhan nabad uga dhalato.”

Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Uganda ay dooneyso in joogitaankeeda Soomaaliya uusan waxba iska beddelin kadib weerarkii Buulo Mareer ee looga dilay askar badan.

Weerarka Buulo Mareer ayaa waxaa la sheegay in Uganda looga dilay illaa 54 askari, sida uu shaaciyay madaxweynaha dowladda Uganda Yoweri Museveni.

Tiradan ayaa aad uga yar midda horay ee shaaciyeen Al-Shabaab oo gaareysa illaa 137 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Dadka reer Uganda ayaa guud ahaan si weyn uga calool xumaaday weerarkaasi, waxayna u arkeen inay u dhinteen si cadowtinimo ah, ayada oo dowladdu ay ku adkeysanayso in howl-galka uu sii socdo illaa uu gaaro hadafkiisa macquulka ah.

Si kastaba, Weerarkii Buulo Mareer oo dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab kala kulmaan ciidamad ATMIS.