Buubaa oo khilaafka Xasan Xasan iyo Cabdi Weli ka bixiyey xog niyad jab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumadihii dalka soo maray, ayaa waxa uu ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia iyo Ra’isul wasaare C/weli.

Ismaaciil Buubaa ayaa waxa uu tilmaamay in xiligaani beesha caalamka aysan awoodin wax ka qabashada ismaandhaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay madaxda Dowladda Somalia gaar ahaan Madxaweyne Xasan iyo Ra’isulwasaare C/weli Sheekh.

Buubaa, ayaa sheegay in Beesha caalamka ay awood u leedahay inay tallo iyo tusaale usoo jeediso Labada mas’uul ee uu khilaafka u dhexeeyo, balse aysan wax kale sameeneyn.

Wuxuu Ismaaciil Hurre Buubaa meesha ka saaray in Beesha Caalamku ay xal u heli karaan khilaafaadkaasi, isagoona ku nuux-nuuxsaday inuu khilaafku yahay mid aan maalmo lagu soo koobi karin uu awoodiisu leeyahay.

Sidoo kale, waxa uu Cadeeyay in Golaha Baarlamaanka DFS aysan wax shaqo ah ku lahayn, kaliyana looga baahan yahay in ay xaliyaan khilaafka hadda taagan.

“Khilaafka waa mid soo laalaabta taasi ma u maleynaayo in beesha caalamka ay fahmi karaan halka ay siyaasadu ka bugto, xalku waxa uu ku jiraa in Labada mas’uul ay qaladaadkooda garwaaqsadaan oo ay dhex dooda is xaliyaan, haddii taasi la waayo Beesha caalamku kuma guuleysan doonto xalinta Khilaafka”

Dhanka kale, Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uu si dadban Libin u siiyay Ra’isulwasaaraha, isagoona farta ku goday in dhankiisa uu ka tiigsanaayo Dastuurka, halka Xasana uu geed ka cuskanaayo.

Waxa uu hadalkiisa kusoo gunaanuday in Khilaafyada noocaani ah marka ay dhacan xalkooda lagu raadin jiray dhanka Baarlamaanka, balse aysan dhicin in Labada masu’uul khilaafkooda loo gudbiyo Golaha shacabka.

Hadalka Buubaa, ayaa niyad jabe kale muujinaya, waxaase is-weydiin leh haddii aysan khilaafka xalin beesha caalamka cidda xalineysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com