Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay mushaarkiisa iyo kan wasiirada Jabuuti

Djobuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Omar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Mushaarka uu ku shaqeeyo iyo kan ay qaatan Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa Djibouti.

Ismaaciil Omar Geelle oo u waramaayay Wargeyska Jeune Afrique ee kasoo baxa dalka Farance, ayaa sheegay in mushaarka uu ku shaqeeyo uu yahay mid aad u yar marka loo eego Mushaaraadka ay qaatan Madaxda kale ee Afrikaanka ah.

Madaxweyne Ismaaciil Omar Geelle, waxa uu tilmaamay in ahmiyada koowaad ay tahay inuu u adeego dalkiisa, halka ahmiyada labaat ay tahay in Shacabka dalkiisa uu la meel-dhigo ama ka sareysiiyo shucuubta kale ee adduunka.

Isagoo u waramaayay Wargeyska Jeune Afrique, ayaa waxaa la weydiiyay heerka uu la’eg yahay Mushaarkiisa waxa uuna ku jawaabay ‘’Anigu mushaar ahaan waxaan u qaataa 359,000 Seddex boqol sagaal iyo konton kun oo faranka Djiouti ah oo u dhiganta 2017.58 US Dollar’’.

Madaxweyne Geelle waxa uu Wargeyska Jeune Afrique u sheegay kuna dooday inuu ka mushaar yar yahay Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa, hase ahaatee taa uusan waxba u arag.

Ismaaciil Geelle, ayaa waxaa sidoo kale la weydiiyay Mushaarka ay qaatan Wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa, waxa uuna cadeeyay inay qaatan xuquuq ku filan.

Isagoo ka hadlaayay mushaarka Wasiirada ayuu yiri ‘’Waxa ay qaataan 400,000 Afar boqol oo kun oo faranka Djibouti ah una dhiganta 2,248.00 US Dollar’’ ayuu yiri

Sidoo kale, Madaxweyne Geelle ayaa cadeeyay in Mushaarka Wasiirada uu yahay mid xiligaan u qalma shaqooyinka ay u hayaan Qaranka Djibouti.

Si kastaba ha ahaatee, Geelle ayaa markii ugu horeysay saxaafada adduunka la wadaagay Mushaarkiisa iyo kan ay qaatan Wasiirada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com