Ismaaciil Cumar Geelle oo u yeeray xubno ka tirsan maamulka Somaliland

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa Casuumaad u fidiyay Mas’uuliyiin Sar sare oo ka tirsan maamulka Somaliland, kuwaasoo shalay galab u dhoofay dalka Jabuuti.

Wafdiggaan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, waxaana ay kulan la yeelan doonaan Madaxda ugu sarysa dalka Jabuuti.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Geelle uu kala hadli doona Mas’uuliyiinta xisbiga tallada haya in ay aqbalaan in dib loo bilaabo Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan tagay dalka Jabuuti, waxaana uu ka codsaday in uu garwadeen ka noqdo Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu yaqaanaa in uu dadaal badan ku bixiyo Wadahadaladda Umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
Caasimada@live.com