Israa’iil iyo Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis nooc cusub ah oo ku saabsan Afrika

Tel Aviv (Caasimada Online) – Maamulka Israa’iil iyo dowladda Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horraysay iska kaashanaya sidii ay awood muuqata ugu yeelan lahaayeen qaaradda Afrika.

Wargeys ka soo baxa Israa’iil ayaa qoray warbixin uu ku sheegayo in iskaashigaan cusub uu ku saabsan yahay arrimaha dhaqaalaha sida horumarinta beeraha, Biyaha iyo Isgaarsiinta casriga.

Heshiiskaan oo ay saxiixeen wasaaradaha arrimaha dibadda labada dhinac ayaa wuxuu dhisayaa isku xir mideysan oo shirkadaha Israa’iil iyo Imaaraadka ay Afrika uga fulinayaan mashaariic loo marayo wadamada qaaradda.

Wargeyska Israa’iil Human ayaa warbixinta uu soo daabacay ku sheegay in heshiiskaan cusub uu muujinayo heerka uu gaaray xiriirka labada dhinac u dhaxeeya tan iyo markii ay qaar kamid ah dowladaha Carabta bilaabeen in ay caadiyeeyaan xiriirkooda Israa’iil.

Dowladaha ay rabaan inay Imaaraadka iyo Israa’iil ka fuliyaan mashaariicda ayaa waxaa kamid ah Nigeria, Ghana, Kenya, Ivory Coast iyo Senegal.

Tan iyo heshiiskii Abraham ee 2020, ganacsiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Israa’iil iyo UAE ayaa kor u kacay 438%, isagoo gaaray  3.7 bilyan sheqel (in ka badan $1 bilyan) 2021.

Mashaariicda ganacsiga iyo dhaqaalaha ayaa si weyn u fidi doona sanadaha soo socda marka la fiiriyo heshiiskii ganacsiga xorta ah oo ay kala saxiixdeen bishii May.

“Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa la arkay kor u kac weyn oo xagga ganacsiga labada dhinac ah, iskaashiga ganacsi ee noocan oo kale ah wuxuu xoojiyaa xiriirka ka dhexeeya dhaqaalaha wuxuuna ku darayaa cabbir qoto dheer dhammaan xiriirka labada dal,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yael Ravia-Zadok.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Si fiican ayey  Imaaraadka u og yihiin shirkadaha Israel ee hogaaminaya mashaariicda Afrika, waxaana halkan ka jira awood dhaqaale oo weyn. Waxa kale oo muhiim ah in si wadajir ah loola tacaalo caqabadaha caalamiga ah, oo ay ugu weyn tahay isbeddelka cimilada iyo saameynta ay ku leedahay bariga dhexe iyo Afrika”.

Hindisaha hadda socda wuxuu ugu baaqayaa shirkadaha Israel iyo UAE inay codsadaan xog uruurin wadajir ah iyada oo ujeedadu tahay in la abuuro fursado labada dhinac ah si loo sahamiyo loona horumariyo mashaariicda Afrika. Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Jerusalem iyo Abu Dhabi ayaa markaas ka caawin doona shirkadaha la macaamilka dowladaha kala duwan ee qaaradda.

Sida laga soo xigtay Ravia-Zadok, dadka Afrika oo hadda ah 1.3 bilyan oo qof ayaa  la filayaa inay sanadka 2050 gaaraan 2.5 bilyan, taasoo la micno ah in qaaradda ay hoy u noqon doonto qiyaastii 25% dadka adduunka.

Sida uu qabo bangiga horumarinta Afrika, qaaraddu waxay u baahan tahay maalgashi u dhexeeya $130 bilyan ilaa 170 bilyan oo doolar oo lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana wadamada maalgashiga sameenayo u fududaanayo inay helaan saami yar oo laga helayo faa’ido weyn.