ISRAEL oo dhowaan ‘xiriir la sameysaneysa’ Somaliland

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa lagu warramayaa inay xiriir la yeelaneyso maamulka Somaliland, xilli Yahuudda ay ballaarinayaan xiriirada ay la yeelanayaan dalalka Islaamka ah ee gobolka.

Wasiirka Sirdoonka Israel Eli Cohen ayaa wareysi uu bixiyey dhowaan ku sheegay inay heshiis nabadeed la galayaan laba dal oo mid ka mid ah uu ku yaallo gobolka Geeska Afrika.

“Heshiiska Israel iyo Sudan ayaa dhowaan la saxiixayaa, waxaana xiga doona dal kale oo ku yaalla Geeska Afrika,” ayuu Eli Cohen u sheegay raadiyaha ciidamada Israel.

Warbaahinta Israel qaarkood ayaa ku macneeyey inuu ula jeedo Somaliland, inkasta oo Somaliland aan dal ahaan caalamka looga aqoonsaneyn.

Hadalka Eli Cohen ayaa imanaya ayada oo Somaliland ay dadaal xooggan ugu jirto inay xiriir la sameysato Yahuudda, ayada oo rumeysan in taasi ay ka saacidi karto inay hesho aqoonsiga ay muddada ku dhow 30-ka sano baadi goobeyso, ee ay ku guuleysan la’dahay.

Saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Somaliland ayaa horey u weydiistay xukuumadda inay aqoonsato jiritaanka Israel, ayna xiriir la yeelato Tel Aviv.

Ergeyga Somaliland ee Kenya Baashe Cumar Cawil ayaa sidoo kale taageeray xiriirada ay Israel, oo uu ugu yeeray dal, la sameysaneyo dalalka gobolka sida Imaaraadka Carabta iyo Sudan.

“Dad nabad jecel ahaan, waxaan taageereynaa heshiisyada taariikhigi ah ee Imaaraadka iyo Israel. Heshiiskan wuxuu tusaale u yahay isbaheysiga dalalka gobolka ee xiiseynaya xasiloonida iyo wada-shaqeynta gobolka,” ayuu yiri.