Israel iyo Mareykanka oo kala jeestay kadib go’aan culus

Washington (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa ka soo horjeesatay go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee uu ku hakiyey shixnad hub ah oo loo waday Israa’iil.

Biden ayaa go’aankan qaatay isaga ooka walaacsan hawl-galka Milateri ee Israa’iil ay qorshaysay inay ku qaaddo magaalada Rafah, kaasi oo Mareykanka uu sheegay in aanu taageersanayn.

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay Gilad Erdan ayaa tallaabada uu qaaday madaxweyne Biden ku tilmaamay inay tahay “mid adag oo aad looga xumaado.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waa wax laga xumaado inay kasoo yeedho madaxweyne aan abaal u haynay, tan iyo bilawgii dagaalka.”

Wasiirka amniga qaranka ee Israa’iil, Itamar Ben Gvir oo ah shakhsi si weyn ugu janjeedha midigta-fog ayaa bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter, ku sheegay “in Xamaas ay jeceshahay Biden”.

Madaxweyne Biden ayaa habeenimadii Arbacadii xilli uu waraysi siinayey telefiishanka CNN, wuxuu sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono inuu Israa’iil siiyo hubka difaaca, sida rasaasta Iron Dome.

Madaxweynaha ayaa markale ku celiyey inuu u caddeeyey Israa’iil, haddii ay ku sii adkaysato inay gasho Rafax, inaanu siin doonin hubkii ay hore u siin jireen, si ay ugu isticmaalaan weerarkooda.