Tehran (Caasimada Online) – Wasiirka Difaaca Iran, Aziz Nasirzadeh, ayaa Axaddii sheegay in Tehran ay si adag uga aargoosan doonto haddii Mareykanka ama Israa’iil ay weerar ku qaadaan.
Hadalka Nasirzadeh ayaa yimid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu ku hanjabay in dalkiisu uu ka aargudan doono Iran, kadib markii kooxda Xuutiyiinta — oo ay taageerto Tehran — ay gantaal ku dhufatay garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil.
“Haddii dagaalka ay bilaabaan Mareykanka ama nidaamka Sahayuuniyadda (Isra’iil), Iran waxay beegsan doontaa danahooda, saldhigyadooda, iyo ciidamadooda — meel kasta oo ay joogaan iyo wakhti kasta oo ay u aragto inay ku habboon tahay,” ayuu Nasirzadeh ka yiri teleefishinka qaranka Iran.
Kooxda Xuutiyiinta ee ay garab taagan tahay Iran ayaa Axaddii gantaal ku ridday agagaarka garoonka Ben Gurion, taasoo noqotay weerarkii ugu dambeeyay ee taxane ahaa. Xuutiyiintu waxay sheegeen in ay tallaabadaas u qaadeen si ay u muujiyaan midnimo ay la garab taagan yihiin shacabka Falastiin ee Gaza.
“Xuutiyiintu waxay weeraradooda ka wadaan Iran. Israa’iil waxay ka jawaabi doontaa weerarka lagu bartilmaameedsaday garoonkeena ugu weyn — iyo sidoo kale, wakhti iyo goob aanu dooranno — kuwa Iran u ah abaabulayaasha argagixisada,” ayuu Netanyahu ku qoray barta X (hore Twitter).
Nasirzadeh, oo raacaya mowqifka rasmiga ah ee Tehran, ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay si madax-bannaan u fuliyaan weerarada, islamarkaana aysan amarrada si toos ah uga helin Iran.
Kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ayaa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weeraraysay Israa’iil, iyagoo taageero u muujinaya dagaalyahannada Xamaas. Dowladda Mareykanka ayaa tan iyo 15-kii Maarso duqeymo ku beegsanaysay saldhigyada Xuutiyiinta ee Yemen, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu ballan qaaday in Iran lala xisaabtami doono haddii kooxdan ay fuliso weerarro.
Nasirzadeh wuxuu sidoo kale sheegay in Iran aysan “wax nacayb ah u qabin dalalka dariska la ah,” balse haddii la weeraro, saldhigyada Mareykanka ee gobolka ku yaal ay noqon doonaan bartilmaameedyo ay Iran toos u beegsan doonto.
Hadalka wasiirka ayaa yimid iyadoo Iran Axaddii soo bandhigtay gantaal cusub oo lagu magacaabo “Qassem Bassir,” kaasoo leh awood gaaritaan oo dhan 1,200 km (750 mayl), sida ay shaaciyeen warbaahinta dowladda Iran.