Israel oo weerartay isbitaalka ugu weyn koonfurta GAZA

Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israel ayaa weeraro ka fuliyey gudaha cusbitaalka ugu weyn Koonfurta Qaza.

Saraakiisha caafimaadka ee Qaza ay sheegaya in ciidamada Israa’iil ay dileen hal qof, halka ay cusbitaalka gudihiisa ku dhaawaceen tiro kale.

Ciidamada Israa’iil ayaa war ay soo saareen ku sheegay inay heleen warbixin sirdoon oo sheegaysa in Xamaas ay qaar ka mida la-haystayaasha Israa’iil ku hayaan cusbitaalka Nasser ee Khan Yunis, iyaga oo sheegay inay dhici karto inay halkaas yaallaan qaar ka mida meydadka la haystayaasha Israa’iil.

Israa’iil ayaa markale ku cel-celisay eedaymaha ay u jeediyaan Xamaas oo sheegaya inay shacabka Falastiin u isticmaalayaan gaashaan ahaan, iyaga oo sheegay inay shacabka uga digeen inay goobahan iskaga baxaan.

Wasaaradda Caafimaadka ee Qaza ayaa toddobaadkii hore sheegtay in askari ka tirsan ciidamada Israa’iil ee meelaha durugsan wax ka toogta, inuu u diiday shacabku inay goobahaas ka baxaan.

Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa iyaguna cambaareeyey amarada la xidhiidha, in shacabka laga daadgureeyo goobahaas.