Daawo: Xasan oo Soomaalida ku dhaliilay arrin la xiriirta…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeediyey khudbad dheer oo waxbarashada dadka Soomaaliyeed uu uga hadlay, isagoo farriin u diray bahda waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa sheegya in dadka Soomaaliyeed aysan baran cilmiga badda, balse ay leeyihiin badda ugu dheer Afrika, taas oo wax lala yaabo ah.

“Anagoo leh Badda ugu weyn Afrika, suurta gal ma’ahan in aanan laheyn aqoon Culuumta Badaha, amnigeeda iyo dhaqaalaheedaba. Waa in aan sare u qaadnaa aqoonteenna Baddaha,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh oo sii hadlayey ayaa yiri “Waxaa la idinka sugayaa in aad fursaddaan uga faa’iideysataan sida ugu haboon si aad dadkiinna uga haqabtirtaan soo saaridda kheyraadka Badahooda.”

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday muhiida ay waxbarashadu uleedahay jiilka soo koraya oo leh mustaqbal aad u wanaagsan, kuwaas oo fursad u heli kara dalkooda oo dhismay una diyaarsan in laga faa’iideysto kheyraadkiisa.

“Shirkadaha Soomaaliyeed waan ka dalbanay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyo hormarinta tacliinta, in maanta Soomaaliya ay awoodo in gudaha wadanka ay 100 arday qaataan shahaadada PhD wax sahlan maaha,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Maxaxweynaha ayaa faray wasiirkiisa waxbarashada inuu Jaamacadda Peace siiyo dhul ku filan, si ay aqoonyahanka Soomaaliyeed uga sii wataan waxbarashooda heerka sare oo jaamacadaas ay ka heli karaan.

“Si jaamacadaani noola joogto, waa in dowladda Soomaaliya ay bixiso dhul ay degto oo ku filan, bahda waxbarashada guud ahaan waxaan leeyahay dadaala,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hoos ka daawo