26.7 C
Mogadishu
Monday, March 16, 2026

Xasan Sheekh oo u safray Itoobiya iyo Villa Somalia oo xog ka bixisay socdaalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u safray magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya.

Ujeedka socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah si uu uga qeyb galo Meertada 37-aad ee shir-madaxeedka Golaha Midowga Afrika, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, xilli Itoobiya ay xad-gudub ka dhan ah kula kacday.

Waxa uu madaxda la wadaagi doona sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xad-gudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

“Inta uu socdo shirka, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, ururada iyo wufuuda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya shirka.”

Madaxweyne Xasan oo shalay ka hadlay socdaalkiisa Addis Ababa, ayaa meesha ka saaray in Itoobiya kala hadli doonaan xiisadda taagan, isagoo sheegay in mowqifka dowladdiisa uu yahay kii ay hore u shaacisay.

Xasan ayaa horey u sheegay in goorta kaliya ee Itoobiya wada-hadal la gali karaan ay tahay marka ay ka laabato heshiiskii is-afgarad ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ku saxiixdeen Addis Ababa.

- Advertisement -

Read more

Local News