Xog: Halkee ku maqan yahay R/W Xamza Cabdi Barre oo toddobaadyo la la’yahay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan oo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ku jiraan ayaa su’aalo ka keenay halka uu ku maqan yahay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo maalmahaan aan shaqada lagu dhex arkin

Toddobaadyo ka hor ayaa R/Wasaare Xamza ugu dambeysay in fagaare lagu arko, sida ay ogaatay Caasimada Online wuxuu ku maqan yahay safar dalka dibadiisa ah.

1-dii bishaan ayuu dalka ka baxay Xamza, wuxuuna aaday reerkiisa oo degan Turkiga, Toddobaadka soo socda ayaa lagu wadaa inuu wadanka ku soo laabto Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Siyaasiyiin uu ka mid yahay Cali Saciid Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ayaa ku tilmaamay ‘wax aan caadi ahayn oo aan horey u dhicin’ in ra’iisul wasaare ka maqnaado xafiiska shaqada muddo toddobaadyo ah.

Soomaaliya ayaa ku jirta waqti xasaasi ah oo xiisad culus ay kala dhaxeyso Itoobiya, sidoo kale waxaa markii ugu horeysay si dhab ah looga shaqeynayaa dhameystirka dastuurka dalka, waxaana ka taagan muran badan iyo khilaaf siyaasi ah, maadaama qodobada qaar wax laga bedelayo.

Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo siyaasiyiin ay ugu waaweyn yihiin ayaa si adag uga soo horjeeda shaqada socota ee wax ka bedelka dastuurka, halka ra’iisul wasaarihii ololeyn lahaa oo xildhibaanada ku qanci lahaa qorshaha xukuumadiisa uu shaqada ka maqan yahay maalmo badan.

28-kii bishii Janaayo ayey aheyd markii ugu dambeysay ee Ra’iisul Wasaare Xamze uu ka soo muuqday fagaare, isagoo maalinkaas ka qeybgalay xaflad lagu daahfuray mashaariic la xiriirta caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo gargaarka oo laga hirgeliyay Muqdisho.

Shaqadii ugu dambeysay ee ra’iisul wasaaruhu qabtay inta uusan bixin waxay aheyd magacaabidda labo wasiir oo ku cusub xukuumadiisa, kuwaas oo kala ah Wasiirka Beeraha iyo Wasiirka Howlaha Guud.

Ra’iisul wasaaruhu waa masuulka ugu mashquulka badan dowladda, maadaama uu yahay maamulaha guud ee howlaha golaha wasiirrada iyo shaqooyinkooga oo dhan, taas oo ka dhigan in hey’adaha wadanka oo dhan ay xafiiskiisa hoos tagaan.