Isu-ekaanshaha kooxaha dhiiga cusub (Dowladda Federaalka) iyo dhaqanka cusub (Puntland) (Warbixin xiiso leh)

FG. Ereyga dhaqanka cusub ee aad ku arki doontaan qoraalkan waa magac aan u bixiyay kooxda is-bedeldoonka Puntland ama badbaado-qaran, iyadoo sababtuna tahay markii aan arkay in ay dalka keeneen dhaqamo ku cusub Siyaasadda Soomaalida.

MATAANAHA GALGADUUD

Tan & markii la bartay labada hoggaamiye ee Soomaaliya waqtigan ugu saameynta badan iyo ururadooda dhiigga cusub & dhaqanka cusub, waxay dad dabani aad ula yaabeen sida ay isu shabbahaan marka ay noqoto arrimaha siyaasadda, shaqada & bulshada. Waxaa sidoo kale dadka u soo jiitay xiriirka hoose ee labadan urur ka dhaxeeya oo maalinba maalinta ka dambeysa si tartiib-tartiib ah u soo xoogeysanaya.

Anigoo ka mid ah dadka aadka ugu fiirsaday qaababka ay u shaqeeyaan labadan hoggaamiye oo aad mooddo in ay mataano yihiin ayay arrintaasi igu dhalisay in aan dadka la wadaago waxyaabaha aan ka arkay oo isugu key ekeysiiyay.

Labada kooxood ee dhiigga cusub & dhaqanka cusub sidaad magacyadooda ka dareemeysaan waa ururo isu magac eg kuna cusub saaxadda siyaasadda Soomaalida, waxayna soo muuqdeen waqtiyo aad isugu dhow. Ururadan waxay leeyihiin saaxiibbo qarsoon iyo kuwo muuqda,dhammaantood xagga da’da waa isu dhow yihiin. Labadan urur waxaa hoggaamiya u ah labo Madaxweyne oo sida la sheego dhashay sanidihii 50-meeyadii, kuna dhashay sida la sheego gobolka GALGUDUUD.

Labadan hoggaamiye soomaalidu hore uma aqoon, sidoo kale ma aheyn siyaasiyiin shaqo dowladeed ama mid xisbi siyaasadeed hore u soo qabtay. Madaxweyne Xasan & kooxdiisa waxay soo shaac-baxeen wixii ka dambeeyay doorashadii Dowladda Federaalka, halka Madaxweyne GAAS iyo kooxdiisa la maqlay waqtigii uu raisal-wasaaraha ka noqday Soomaaliya. Markii ay labadan hoggaamiye talada la wareegeen waxay la yimaadeen fikrado cajiib ahaa oo dadka kusoo jiidanayeen waxaa ka mid ahaa lixdii Tiir ee ay kooxda Madaxweyne Xasan la timid & Nidaamka isbedel-doonka oo kooxda Gaas la timid, labadaa fikradoodna taageerayaal faro badan ayay ku kasbadeen, laakiin soo jiidasho uun bay ku koobneyd.

Sidaan soo sheegay labadan urur ma aha siyaasiyiin, laakiin waxaa ku jira rag aqoonyahanno ah, shaqooyinka ugu badan ee ay soo qabteen waaa Macalinimo iyo sidoo kale iyagoo hey’ado NGO-yo ah iska lahaa ama madax kasoo noqday. Intii ay howlahooda shaqo wadeen waxay abuurteen saaxiibo si dadban ugu soo xirmay iyagoo qaar kamid ah dadkaas jaamacado dibedda ah waxbarasho ugu diray. Ardaydaas in badan oo ka mid ah waa kuwa xilalka ka haya xukuumadaha ay kala matalaan, ha ugu badnaadeen kuwa dhiigga cusub.

Hab dhaqanka labadan kooxood waxaa ka mid ah qofka ay isku kooxda yihiin wey ka jecel yihiin kan ay shaqadu isu keento. Waxaad hore u soo aragteen Madaxweyne Xasan oo shakhsiyaad Dhiigga-cusub ka tirsan oo aan xilal dowladeed heyn oo safarada dibedda & gudahaba ku wehelinaya, isagoo ka tagaya wasiiradii howlahaa shaqada u lahaa. Sidoo kale Madaxweyne Gaas safaradiisa gudaha & dibedda waxaa kala qeyb galayay shakhsiyaad aan dowladda Puntland ku jirin laakiin saaxiibo dhow la ahaa. Dadkaasi magacyo gooni ah ayay wataan marka ay shirarka kala qeyb galayaan sida la ii sheegay soomaaliduse ma yaqaanaan magacyadooda & farsamooyinka ay ku socdaan.

Siyaasadahooda waxay xoogga ku saaraan sidii ay dhaqaale u heli lahaayeen, iyagoo aad ugu dadaala inta ay xafiisyada sarsare joogaan sidii ay dhaqaale faro badan u sameyn lahaayeen. Inta badan dalka waxay ku casumaan shirkado ama ururo ajanabi ah oo aan la aqoon halka ay ka diiwaan gashan yihiin, shirkadahaas ama ajaaniibtaas marka ay dalka soo booqdaan waxaad arkeysaa kooxahan oo wasiiro u badan oo garoomada ku sii yaacaya, iyagoo kala jiidanaya shakhsiyaadkaas, hadba dhinac-na ula ordaya. Sidoo kale waxaad ku arkeysaa shirkadahan Aqalada Madaxtooyada ee labada maamul.

Labadan kooxood waxay markii ay talada qabteen isku dayeen in ay tirtiraan raadadkii ay ka tageen labadii Madaxweyne ee talada iyaga kaga horreeyay kuwaas oo kala ahaa Sh. Shariif Sh. Axmed & C/raxmaan Max’ed Faroole. Inkastoo raadadka qaar aan la tirtiri karin haddana waxay banaanka dhigeen shakhsi walba oo ay is lahaayeen wuxuu lasoo shaqeeyay Hoggaamiyaashaas, xitaa haddii ay shaah maalin soo wada cabeen iyaga waa u qoran yahay. Markii ay wax dhaqaajin waayaan waxay dib ugu yeertaan wasiiradaas. Ma eegaan waxqabadka qofka, wadani-nimadiisa iwm, waxay ku badalaan saaxiibadood & kuwo iyaga xagga afkaarta aad ugu dhow. Uguma imaneysid iyagoo xafiisyadooda fadhiya inta badana waa mashquulsan yihiin oo mobilo ayay dhagta ku hayaan xitaa marka ay shirarka ku jiraan.

Waxay laaleen wixii howlo mashaariic ah oo markaa taagnaa oo u baahnaa in la sii dhameystiro, iyagoo ku badalay kuwo ay iyagu keensadeen, waxay wax ka badaleen DASTUURKII DALKA. Waxay si doqon-magarato ah ugu ciyaareen nidaamkii dowladeed ee lagu soo doortay iyagoo ka booday in ay dhisaan maxkamadihii sarsare, waxayna xiriir hoose la yeesheen madaxda sarsare ee baarlamaanadooda si aan howlaha ay wataan loogu khashkhashaadin, kuma dhaqmaan dastuuradooda, waxay jeebabka ku wataan mid iyaga u gooni ah. Waa niman aad u af-gaaban, hadal macaan, ujeedkoodana aan la garan, mar walba oo ay hadlaana waxaa hadaladooda ka dhadhansaneysaa arrimo la xiriira dhaqaale.

Marka laga soo tago kooxaha ay saaxiibada dhow la yihiin, wax xiriir ah bulshada inteeda kale lama laha. Isuma arkaan madax dowladeed waxay u dhaqmaan sidii guddoomiyaal gobol ama mid degmo, waxaad arkeysaa iyagoo Magaalo magaalooyinka Soomaaliya ka mid ah ka doorbida dalka intiisa kale.

Markii ay xafiisyada la wareegeen waxay ka bilaabeen safaro is xig-xigay ilaa markii dambe ay safardaasi xarga-goosteen, dhaqaale faro badan oo ka soo xarooda ilaha dhaqaalaha meelaha ay xukumaana wuxuu ku baxaa safaradan tirada badan.

Safaradooda malaha ujeeddo rasmi ah aan ka aheyn booqasho & dhaqaale sameyn, waxayna ku lumiyaan waqti aad u faro badan oo howlo badan oo loo xilsaaray ku qaban kareen. Waxay safaradaasi dhaliyaan kala-shaki, xanaaq & cuqdado ku abuurma beelaha dhexdooda, siyaasiyiinta & shacabkaba, waa kooxo aad u jecel xafladaha, soo dhaweynta & in ubaxyo qoorta loo suro. Sidoo kale waxay ka helaan Dalxiiska (dal-barasho), waxaad arkeysaa iyaga oo meelaha bilicda leh sawiro isaga qaadaya, iyagoo ama dabaalanaya ama leyrta macaan ee xeebta ka soo dhaceysa isu dhigaya.

Labadan kooxood kuma fiicna arrimaha amniga, dagaalo ay qaadaan ama dhulal ay xoreeyaan loogama fadhiyo haddiiba mid ciidankooda ka mid ah lasoo sheego in uu geeriyooday ama dhaawacmay inta ay safarada & dalxiiska ku jiraan ayuu shil-gaari wax ku noqdaa. Markii ay talada la wareegeen isqabqabsi hoose & awood kala jiidasho ayaa laga dareemayay xukuumadahooda, laakiin marwalba waxay isku dayaan in ay qariyaan oo aan la ogaan.

Qofkii ay maalin is-khilaafaan ma hilmaamaan. Sidoo kale xagga abaalka kuma fiicna oo dadkii soo barbaariyay, usoo ololeeyay, gacan qabtay oo qeybaha kala duwan ee bulshada ka koobnaa qaarkoodna dibada & gudahaba waqti & kharash ku bixinayay taageeradooda markii ay talada ku fariisteen albaabada ayay ka xirteen. Kuwo badan oo kuwaa ka mid ah waddamadii ay ka yimaadeen ayay dib ugu noqdeen, kuwo wasiiradooda ugu tunka weyn inta ay diyaaradaha saaran yihiin ayaa ka badan inta ay xafiisyada fadhiyaan. Markaad u fiirsato qaabka ay dadka ula hadlaan ee canaanta u badan waxay u egyihiin Macalimiin shaqadoodii macalinimada ku jira dadka intiisa kalena waa u arday ay wax barayaan.

Talo ma siin kartid haddaadan iyaga ka tirsaneyn, in aad dhaliishidna warkeedaba daa oo waxaa suurto-gal in aad khatar ku gasho. Waa qaab la mid qaababkii dagaal-oogayaashii Soomaaliya soomaray (umaraa-al-xarb) laakiin casriyeysan.

Waxay aad u yaqaanaan qaabka loola dagaalamo kooxaha kale ee dhaqaale doonka ah ama u arkayaan in ay booska dhaqaalaha ku ciriirin karaan. kooxahani waxay aaminsan yihiin in dhaqaalaha la heli karaa uusan iyaga & saaxiibadood ka badneyn. Kooxda dhiiga cusub waxay amartay in Bangiga dhexe oo ah halka dhaqaalahoodu ku soo xaroodo uusan shakhsi aan qalinkooda ku shaqeyneyn kasoo muuqan, halka kooxda dhaqanka cusub ay usii caga-jugleysay masuuliyiinta kale ee maamulka kula jiray iyagoo amray in ay soo diiwaan geliyaan hantidooda gaarka ah. Shakhsi dibedda ka yimid cidna hantidiisa gaarka ah ma sheegi kartee hadafku wuxuu ahaa in la baqdin-geliyo si ay maqaaxidu iyaga keliya ugu furnaato.

Dadka siyaasadda odorosa waxay hab-dhaqankan ku tilmaameen mid labadan kooxood waddada ugu sii baneynaya in ay muddo badan dalka kasii taliyaan, waxaana u saamaxaya ayay leeyihiin dhaqaalaha faraha badan ee ay hadda sameeyeen ama sameyn doonaan waqtiyada soo socda & sida ay isugu xiran yihiin. Sidaan soo sheegyna lama garan karo shakhsiga kale ee isla kooxahooda ka tirsan oo iyaga badali doona mustaqbalka dhow, maadaama qaar iyaga ka mid ah aysan weli shaashadaha ka soo muuqan. Siyaasadda noocan ah ee ku taxaluqda in dalka dhaqaale lagu maamulo waxaa la sheegaa in ay ka soo waarideen waddamo carabta ka tirsan, siyaasaddooda farsameysanna sidaad ku fahantaa waa adagtahay, haddaadan hadda usii tabaabusheysanna hadhow in aad kala wareegtaa waa adag tahay.

La soco qeybaha kale ee Walaalaha Galguduud & halka ay xukuumadahooda ku furi doonaan.

W/Q: Farah M Warsame
Melbourne Australia
bile1971@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid