Yaa Muqdisho uga xog ogaalsan Kay?

Muungaab “Muqdisho Waa Nabad”

27–dii February ee Sannadkaan waxaa loo Magacaabey Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun Gaab) Magacaabistaas ayaa waxaa Masuulka u dheereyd Owood Dheer oo la siiyey ka dib markii la hoos geeyey Ciidamada Nabad Nabadsugida, iyo Kuwa Booliiska ee Gobolka Banaadir, Awooddaas hore uma haysan Duqii ka horeeyey ee Mudane Tarsan, waxaana la loogu yeeraa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqisho ahna taliyaha Ciidamada Gobolka Banaadir, ahna Jeneraal ka tirsan Ciidanka Milatariga ugu Dambeyntiina ah Dadka Deegaanka Xamar iyo Xamar daye waxaana Tarsan uu ku Calaacaley “ Hadii aan heli lahaa Awooda Muungaab maanta la siiyey waxaa Hubaal ah in aan wax badan ka qaban lahaa Amaanka Magaalada Muqdisho”.

Magaabista Muun Gaab dad badan baa soo dhaweeyey ka dib markii ay u soo joogeen sida uu u Maamulayey Maxkamadii Ciidamada Qalabka sida, mar aan la kulmey Hooyo Soomaalieed maalmo ka dib markii la Magacaabey ayaa waxay tiri “Sow Muungaab ma aha ninka loo Magacaabey Gobolka Banaadir haadaan nabad heleynaa, welee qof Dhaaxaa Qoorta waa ka goyn doonaa” Sidoo kale odey ayaa ka Hadley sida uu u arko Magacaabista Muungaab wuxuuna yiri “Wax badan ayaan sugeyney in Gobolka Banaadir loo magacaabo nin ad adag islamarkaana la siiyo Awood Dheeraad ah “ waxaa uu sii raaciyey odeygii hadalkiisa “ Xasan Shiikh markaan ayuu Shiishka la heley meeshii la rabey, waa nin aan dhihi karo waxay Magaaabistiisa ku soo beegantey Xili loo baahnaa”

“Aniga waan ka soo horjeedey Magacaabista Muungaab waayo u melynmaayo nin kaga haboonaa Gobolka tarsan in uu soo mari doono waxaa uu ahaa ka sokow Waxqabadkiisa nin Hadalkiisu Qiiro geliyo dadka intiisa badan Afkiisa kasooni ku abuuran kara, sidaa darteed Awodaha badan ee la siiyey Muungaab hadii la siin lahaa Tarsan waxaan hubaa in Xaalku sidaan ka duwanaan lahaa” waxaa uu sii daba dhigey “ hadii Awoodahaas ninkii hore loo diidey la siiyey mudana Cusub waxay ahayd in Carada lagula dul dhacay Qaar ka mid ah Madaxdii Hayadaha Amaanka lagula Dul Dhaco isaga Laftigiisa Maadaama Dhibaatada lagu eryey mdaxdaas aaney ka dhicin Soomaaliya guud ahaan ee ay ka dhacdey Magaalada Muqdisho oo uu Masuliyadeeda Dhinaca amaanka dusha loo saarey”

Bal aan dib u Qooraansano wxii ka dhacay Magaalada Muqdisho intii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muun Gaab Soomaalidu waxay tiraahdaa “ Madax meel ka sarreysa oo la salaaxo ma jirto” Haddii min laba jeer la weerarey Xaruntii Madaxtooyada iyo tii Baarlamaanka oo ah meelihii looga taliyey Soomaaliya, Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo kala bar mareysana la diley ku dhawaad 4O qof oo aan waxba galabsan oo ay ku jiraan Xildhibaan , Ciidamada Nabadgelyo Wadooyinka, kuwa Dowladda hoose, Haween iyo Caruur. Waxaan ka sii daran mar uu ka hadlayey mid ka mid Telefishinada dalka Mudane Muungaab wuxuu sheegey in uu Amrey in Gudoomiye kasta ee Degmooyinka Gobollka Banaadir uu dego meesha ugu halisan Degmadiisa waxaana Cadaadtey in qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Degoomiyinka ay Jiifaan Hotelo si aad ah Amaankooda loo ilaaliyo .

AFartii Bilood ee uu Hayey Xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Waxqabadkii muuqdey ee la tilmaami karo waxay ahayd markii uu Maalin Cad burburiyey Goob la dhigan jirey Tagaasida agagaarka Km4, Burburintaas oo ay si weyn ay u soo dhaweeyeen qaar kamid ah Bulshada Muqdisho inkastoo ay jireen dadka qabay in lagu deg degey Burburintaa oo laga hordhacay waayo wax waliba waxaa ka horeeya Amaanka Magaalada , isagoo dhowr jeer ku Celceliyey in ay wax walba ka horeyn doonaan Amaanka, hase yeeshee Dadka qaar baa qaba in Gudoomiyaha Gobolka uusan waxba ku soo kordhin Xaalada nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho , waxaana taas ka sii daran markii uu gabi ahaanba badelay Gudoomiyayaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir taasoo dad badan u macneeyeen in aysan Maamul ku imaan ee uu ku fogeynayey Raadkii uu ka tagey Maamulkii isaga ka horeeyey .

Mid ka mid aha waxyaabaha ee lagu dhaliilo ayaa waxay tahay Kormeerada uu ku tago qaybo ka mid Degmooyina Gobolka Banadir Xiliyada habeenkii Sida isgoysyada Mihiimka ah isagoo wata Gawaarida Teknikada iyo Askar fara badan, Kaamerooyinkana waxay si toos ah Qabanayaan Tirada Hubka iyo Ciidanka uu wato ayaa hadana waxaa uu meel Fagaare ah ka sheegaa in Xamar nabad tahay, waxaa isweydiin mudan sida ay tahay nabadda uu sheegayo mar hadii ay ku hareereysan yihiin Gawaari Tekniko ah iyo Ciidamo fara badan sow Xaaladu uma eka Faanoole Fari kama Qodna.

dhacdo kale waxay ahayd markii Muun Gaab uu ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobey ee u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay uu Damaashaad ku geeyey Xeebta liido uu qado ka siiyey ka dibna waxaa uu Afka ku Balaariyaa in Xamar Cade uu nabad yahay, dad badan waxay isweydiiyeen Cida loo sheegeyo in Xamar Nabad yahay iyadoo la ogyahay in ninka ugu Xog Ogaalsan Magaalada Muqdisho uu yahay Nicholes Kay marka laga hadlayo Amaan, Siyaasad iyo Nabadgelyo. Guntii iyo Gabagabadii Soomalidu waxay Tiraahdaa “ Xareed waa la Doogtaa markay kuu Da’ayo “Anna waxaa leeyahay “ Bunna waxaa la Dubtaa markay Nabadda Tahay “. .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid