XASAN Cadaaladda ayuu ka fogaaday!!

“Haddii aanu aamusno waa noo aamus baas iyo dib u dhac . Haddii aanu hadalnana waa af salax-ku-dheg” Faarax Seefeey waxuu dhahay Adduunyo uur lahaan arkaa Umulisaanse loo arkeyn ,Xassan Sheekh waxa uu na baday ayaa ka xun waxa uu Somali u horseeday, runtii islama dhihin Xassan Sheekh ayaa 23 sanno la soo dhaafay Somali marna aanan ka bixin,waxaase leeysweeydiiyaa maxuu dhaxalsiiyay umadii 23 sanno la gumaadayay,waxaad moodaa in uu ogolaaday dulinimada Puntland ka dhax jirta iyo sida umada Somali ugu bahdilan tahay.

Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto ,taariikhda Cumar C/rashiid keeni karta in uu Somali u noqdo Safiir USA u fadhiya Somali ayaa iga degi weeyday,war ninka ma Somalibaa ?? mise waa kii asaga oo Aabihii lagu sharfayo laga dhigay r/waasaare markii danbene noqday ragii dhisay Jubbnaland iyada oo la ogyahay in uu ahaa shaqsiyaadkii diidanaa midnimada iyo Somalinimada ogolaa in dalka lakala goo gooyo Sorry Xassan Sheekh waxeey u muuqataa in uu ogolaaday mooryaanta Majeerteen in aay la daadihiyaan dowladnimada ka dib markii uu adkeeysan waayay dacaayada raqiiska ah ee aay ugu baxsheen Culusow iiwm

Haddii aad Cumar C/rashiid ka dhigtay Safiir USA Somalia u matala maxaa diiday in aad Prof Cali Geedi aad asagana ka dhigto Safiirka Qaramada Midoobay ee Somalia,sida oo kale Faroole in aad umada ugu dhigtaa Safiirka Ingriska ama Yurub sabbabta oo ah waxeey ahaayeen ragii diidanaa dowlada federaalka ogolaane Jubbland Somalida waxeey dhahdaa : Nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin.Puntland ninka hada xukumo waa kan diidan Somalinimada iyo midnimada,hadaba maxaa ka jiro Puntland aqiiqdii Somalinimada miyaa la ogol yahay,dastuurka Puntland maxuu u ogol yahay Somaliada la dgen Puntland maxeeyse isku ogol yihiin dhexdooda ???

Dastuurka Puntland waxaa uu qorayaa kuna dhaarteen kuwa ilka u haya qodobadaan soo socda:

Qodobka 4aad 

DADKA 

1. Dadka Dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda Puntland.

 2. Muwaadinnimada Puntland waxaa difaacaya sharci gaar ah, waxaana qeexaya xeer gaar ah sida lagu heli karo ama lagu waayi karo jinsiyadda Puntland. 

Ka akhri halkanhttp://www.biyokulule.com/dastuurkapuntlandpart1.htm

Jinsiyada Somalinimada waa aay diideen waxeeyna la baxeen Jinsida  Puntlandis Ninka Majeerteenka ah waa Punntlandis sida ku cad dastuurka Puntland waxii ka soo hara oo ku nool dhulkaa waa Qaxooti sidaana waxeey u sameeyeen ID card, shacabka ka yimid koonfur sida Bay, Bakool, Hiiraan koonfur oo idil waxaa aay qaadanaayaan ID card ka duwan midka dadka Puntland degeni loogu talo galay waxaa laga tagay jinsiyada Somalnimada, waxaa la aaday jinsiyad lagu sheegay  Puntlandis, waxaay dadka ka yimid koonfur baxshaan canshuur ka badan midka aay bashaan qabiilada degen Puntland waxeena qeeyb ka yihiin dadkaasi kuwa qeeyb-libaax ah ka qaatay horumarka dib u dhiska gobolada Punland ,waxeey ku dhaleen caruur aad u faro badan marna aanan loo ogoleeyn in aay aadaan skoolaadka gobolada Puntland,iyada oo la og yahay in intaasi aay jirto ayeey hadana siyaasada Puntland iyo masiirkooda waxba ku laheeyn ,xataa waayay in la siiyo Wasiirka barakacayaasha Puntland, sow lama dhihi karo Puntland waxeey u baahan tahay isbedel iyo cadaalo salkeeda yahay in la wada noolaado ninwalba uu helo xaqiisa, waxa aad umadaa dhulkiina ku soo qaxday kula dhaqantaan ayaa xaq ah in aad kala kulantaan in idinkana leeydunku dhaqo, kuwiina jooga gobolada koonfur ee Somalia.

Waxaan ku wargelinayaa siyaasiyiinta indheergaradka, Aqonyahanka reer koonfureed waa in aad u istaagtaan in aad waxa ka qabataan dulmiga iyo xaqdarada shacabka reer koonfur qaabka loola dhaqmayo Puntland iyada oo la ogyahay in Wasiir Ogaadeen ah iyo Mid Mareexaan uu C/weli ku daray wasiirada iyaga oo la ogyahay in Isimadooda aayan awood ku laheeyn dhulkaa, xildhibaananan aayan ku laheeyn xukumada Punland,mar la weeydiiday C/weli waxuu ku fasiray arimahaa in aay yihiin sabbabta loogu soo daray wasiiradaa  mid isirwadaag ,dib aan ugu noqono taariikhda iyo haddii la yeeli lahaa talooyinka in aanan la wada noolaadeen. waxaan soo xusuustay  Jimcaale dhagataag iyo Farax Seefeey oo labaduba ahaa reer Muqdisho sida aay siyaasda ugu faaloon jireen iyo damaca SYL kuwa ku abtirsada balse awooda dalka rabay in aay maroorsadaan.

Jimcaale Dhagataag waxaa uu ahaa abwaan aad u taageera SYL ka ( Leegada ) waxaana uu ku guubabin jiray in dadka aay galaan dagaalka si gumeeysiga leeysaga kiciyo,halka Faarax Seefeey uu ahaa abwaan aragtidiisa aad u fog tahay waxaa uu taageersanaa xisbigii Lego dei Giovani Somalo ( liberale ),waxaa uu umada ku guubaan jiray xornimo dabadeed in aanan leeysku xadgudbin cadaaladana aay noqoto mida umada hogaamisa,waa xiligii daaqiliyada ee 1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya,dalka waxaa ka socday dhismo xaga wadooyinka Infrastructure,qandaarsyada waxaa qaadan jiray oo lagu naaxin jiray rag gaar ah, Xaaji Baraakooo ahaa nin xoolihiisa aay ku dhamaadeen SYL mardanbese ogaaday in SYL xubnaha ku jiraa in aay leeyihiin hadaf ka duwan midka SYL ayuu isaga baxay halkaas ayuu aasaasay xisbigii Lego dei Giovani Somalo ( liberale ) .

Talyaaniga ayuu u dhoofay Xaaji Baraako asaga oo raadinaya qandaraas dhismaha wadada G.Bay ilaa Muqdisho oo aheeyd ku dhawaad 250km oo markii danbe la siiyay Xaaji Ibraahim Uunlaaye, waxuu Xaajiga ku arkay Talyaaniga niman aqoontooda eey aad u liidato oo Geeljirayaal ahaa kana yimidJariiban si loo baro xirfada Karaaninimo si marka Talyaaniga uu umada gaarsiiyo 1960 xornimada aay karaani ugu noqdaan xafiisyada dowlada u fadhiistaan,goortii uu dib ugu soo noqday dalka Xaajiga ayuu Faarax Seefeey uga sheekeeyay waxii uu Roma ku soo arkay, Xasan Maxamed Shuuriye iyo Xaaji Buraake Allah u naxariistee ayaa meel kasta ka naadsheen in waxii reer Xamar aaanan aheeyn aay mudan tahay , in ay‘visa’ ku soo galaan Xamar, ‘visa’ na ku joogaan Xamar, Faarax Seefey oo xaqiiqdaa ogaaday ayaa sugaan faro badan ku cabiray somalida waxa ku soo socda xornimda 1960 ka dib.Xiligaa dadkii oo dhan afkii yeera ba, yiri: “Liberaalaan ahay, manta waxii ka danbeeya,Soomaalidii reer Leego ahaydna, arrintaan aad ayeey ugu xumaadeen dhacdada Roma iyo cadaaladarada somalida ku soo socoto,Sidaas darteed Jimcaale Dhegataag oo walaakiis ahaa, ayay naf bideen SYL ka in uu cabsi-geliyo Faarax Seefeey, Mar dambana uusan lug geyn Xarunta Xisbiga Liiberaalaha,Jimcaale Dhagataag ayaa waxaa uu dhahay:;

Tillaabadaada waan tirshee mug Tangayika waa tagee,taas uu Faarx Seefeey ugu jawaabay:Tiftifku tuugadoow yaqaan, Tixsina meel bugtoow tumaa
Ee waxaan tolmeeyn ( Somalinimada ) waxaanaan tereeyn, ninkii ku toosiyeey u taal, Anna tillaabadaada waa tirshee, mug tuugo waa idiin talee.Waxaa la maraya Tuugadii Faarax sheegay.

Waxeey mareeysaa  xiligaan in  ninki Jubbaland wax ka sameeyay laga dhigo Safiir iyda oo la og yahay taariikhda mugdiga ah ee uu ku leeyahay Somalida dhexdeeda  Haddii furuq la arkaa..waraabow fara ka leef noqdaa waa xigmadii Faarax Seefeey alow haddii uu noolaan lahaa xiligaan waxbuu ka dhihi lahaa aragti ahaan.Lax dhukani col iyo abaarba moog waxa quman in taariikhda  aanan laga been sheegin. 

W/Q: Dr. Ali.A.Hirabe       

Hirabe_a@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid