Ma is tiri dhibka waa loo siman yahay?

Qormadan gaaban in aan qoro waxaa igu kalifay markii aan arkay arrin aad ii gil-gishay oo ku saabsan raadadka ay rabeen colaadaha ka socday dalkeena 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Toddobaadkii horre ayaa xilli uu soo dhow yahay afurkii, waxaan arkay wiil yer oo 10-jir ah, waxaan soo socday gadaashiisa, wiilka marka aan arkay waxaan u maleeyay in uu dad kale la hadlaayo balse qofna agaarka kama dhaweyn oo anniga iyo isaga ayaaba waddada ku socdaalayay.

Wuxuu ka bixi waayay mar uu faraha taag-taago iyo mar uu hadallo la maqli karo ka dhawaajiyo, kolkii uu i arkay ayuu xishooday deetana wuu dhoolacadeeyay isagoo markaas iska dhigaya xaaladda in ay tahay caadi, anna kama waalin iskama dhigin in aan la socday xaalada uu ku sugnaa xilligaas oo waan u dhoola cadeeyayoo shibna ka iri, wax ka yer daqiiqad, aan ka aamysay oo aan cabaar socday ayaan u soo jeestay oo ku iri meeqo jir ayaa tahay wuxuu igu yiri 10-sanno ayaan jiraa, su’aal kale ayaan weydiiyay maxaad iskula hadleysay ayaan ku iri oo waxaanba is iri yuu la dagaallayaa wiilka oo waxaanba u heystay sidda aad iskula hadleyso in aad dagaal ku jirto, wax uu ku jawaabo ayuu garan waayay, balse wuu I dareemay in aan fahmay culeyska saaran iyo buuqa ku shidnaa.

Waan calool xumaaday oo waxaan awoodi waayay in aan su’aalo kale weydiiyo, waxaana si kooban ku iri niyada Kheyr u sheeg wax walbo waay ay iska hagaagi doonaan, balse waxaa ii soo baxay markii aan ka soo tagay inay jiraan culeys ballaaran oo heesta wiilka yer (Yaa Allah).

Markii aan ka soo tagay wiilka ayaan kaligeey su’aallo dhowr ah is weydiiyay, oo waxaan is iri wiilka Hooyadii iyo Aabihii miyaa kala tagay oo sidaa ayuu u noqday mid heerkaas gaaray, oo ma reer kale ayuu la joogaa oo dhibaato ku haya, Maxaa keenay in uu ilmahan yer uu kaligiis isla hadlo ilaa heerkaasna uu gaaro?.

Ma ahan arrintan wax nagu cusub oo waa caaddi Soomaaliya marka aad joogto in aad aragto dad badan oo malaha aad moodo markii sheeda ka eegto in uu la hadlaayo qof kale sidda uu sheekeesanaayo kaligiisa, oo anniga ayaaba ka mid ah kuwaas korantada ka tagta mararka qaar, balse waxaa dareen kale I galiyay ilmaha yer ee ah ubixii berri waxa kaligiis uu isula hadlay.

Gun iyo gabgabo, waa hubaal dagaalladii sokeeye ee ka dhacay dalkeena in ay nooga tageyn wax yaabo badan oo aan la mahdin.

Waxaa kaloo sheegis mudan in uu shaki ku jirin dad badan in ay halis ugu jiraan in ay mardhow ku dhuftaan oo maxkaxda ay is dhex-qaado marka la eego xaalada ay ku sugan yihiin.

“Ninba wuxuu ku taamaa ama uu hees ka tiriyaa, tixo gabay ku sheegaa, halka lagu tallaalee ee uurkiisa tabayo annigana waxaa I damqiyay dareenka I galiyay dhibka heesta wiilka yer ee ii muuqda”

Afeef: Tuduca kor ku qoran waa qeyb ka mid ah heesta Togdheer ee uu qaado Fannaanka Nuur Daalacay waxaana Ereyada leh Abwaan Hadraawi, balse waxaan ka badalay qeybta dambe.

Nabad aa naas la nuugo leh ee Allow Soomaali isku dum.

Aamiin Aamiin Aamiin.

Aragtidaada waa muhiim?

W/D: Maxamedkaafi Cali Muumin

Mohamedkafi01@gamil.com

Mogadishu| Somalia