GOORMUU MEYDKU MAAL NOQDAY?‏

Geeri waa xaq qofkasta oo ku nool koonkan wuu dhimman doonaa maalin maalmaha ka mid ah sida uu Alle ku sheegay aayadda 35-aad ee suuradda Ambiyaa ee Quranka kariimka, waxaa hubaal ah in naftkasta la oofin doono oo ay dhadhamin doonto xanuunka sakaraatul mowdka maalin ay tahayba.

Inkastoo sida ay geeridu ugu timaado dadka ay kala duwanaan karto oo ay dhacdo in qofi uu geeriyoodo, isagoo hurda, fadhiya, tukanaya, socda, ama uu ku dhinto shil gaari ama la dilo haddana geerido waa geeri oo qofna xilligiisa dhaafimaayo taas Alle ayaa horay u sheegay waana arrin uu qofkasta maanka ku hayo hadh iyo habeen in uu dhimman doono oo uusan jirin qof adduunkan u waari doona.

Muddooyinkan dambe waxaa soo badanaya dadka waxa ka ku qora websites ee diyaarka u ah in ay maal ka sameeyaan muuqaallada meydka, waxaad arkaysaa qof ay tii Alle ku timid balse sababsaday gacan ka xaqdarran oo inta muuqaalkiisa la soo qaado kun cinwaan oo kale duwan loo sameynayo sida dadku ay u gujiyaan oo dhaqaale looga helo.

In la muujiyo in si xaqdarro ah loo dilay marxuunkaasi waa sax waana waajibaadka saaran warbaahinta, balse waxaan meesha ku jirta in la dhowro xuquuqda uu leeyahay marxuunkaasi iyo anshaxa saxaafadda ee ku tusaya in aan muuqaalka marxuunka aan si khaldan loo isticmaali karin.

Arrintan nooca ah waa mid ku soo badanaysa warbaahinta wax ku qorta Af-Soomaaliga gaar ahaan Websites kuwaasoo cudurdaar ka dhigta in qofka la dilay uu yahay saaxiibkood ama qof ay wadaagaan mihnada warbaahinta waana arrin dhibatadeeda leh oo u baahan in loo helo xal waara.

Waa xanuun iyo tiiraayo aan la soo koobi karin haddii si xaqdarro ah lagu dilo saaxiibkaa waana waajibad ku saaran in aad dowladda iyo dadweynaha gaarsiiyo in saaxiibkaa si khalad ah lagu dilay waliba isagoo gudnaya waajibaadkiisa shaqo haddana waxaa meesha ku jira in aadan si khalad ah u isticmaalin muuqaalka meydkiisa oo aadan kun iyo kow cinwaan u sameyn adigoo raadinaya in aad lacag ka sameyso waxayna arrintan nooc ah inta badan ay dhacdaa marka la dilo weriye.

Waxa uu sidoo kale muuqaalka marxuunka meydka ee la doonayo in maal laga sameeyo uu ehelkiisa u horseedaa in murugadu ku sii siyaado, boroordiiqduna ay u noqoto mid joogto ah xilli ay nafta samirsiiyeen iyagoo aamisan Allihii shalay siiyay inuu maantana oofsaday ruuxdiisii.

Tusaale ahaan waxaad arkaysaa cinwaannada soo socda sida: Yaa dilay weriye hebal? Hadalkii ugu dambeeyay oo uu weriyuhu sheego inta aan la dilin ka hor. Weriyaha la dilay oo sir weyn hayay. dilka weriyaha oo dusha laga saaray cid aan laga filaynin. weriyaha la dilay oo dad badan farta ku fiiqi rabay inta aan la dilin ka hor. Muxuu sheegay weriyihii la dilay? sidee loo aasay weriye hebal? Yaa lagu tuhunsanyahay weriye hebal? iyo kuwo kale iyadoo intaas oo dhan loo sameynayo in dhaqaale lagu sameeyo oo keliya.

Alle ha laga cabsado oo arrintan waa in la joojiyaa waxaan si gaar ah uga codsanayaa dadka wax ku qora websites in ay falkan foosha xun iska dhaafaan sidoo kale waxaan doonayaa in ay oggaadaan dadka muuqaallada meyd soo geliya boggaga ay ku yeelihiin bogga isku xirka bulshada ee u maleeyaan in ay dadaal sameynayaan in ay jiraan dad aan fahan wanaagsan u lahayn shuruucda warbaahinta kuwaasoo qaata muuqaalladaas kaddibna u sameeya cinwaanno kale duwan si ay dhaqaale uga helaan.

Waxaan ku guubaabinayaa dadka arrintaasi sameeya in ay ka waantoobaan haddii ay shalay cilmi yari u geysay ama dhaqaale raadin waxaa habboon in ay fahmaan in dhaqaalaha ay ka helayaan ay ka badan tahay dhibaatada ay u keenayaan ehelka marxuunkaasi iyo qofka ay ku sheegayaan saaxiibkood ama in ay wadaagaan mihnada warbaahinta.

Qofkana ma jecela in muuqaalka walalkiisa ama saaxiibkiis oo geeriyooday si khaldan loo isticmaalo oo weliba dhaqaale lagu raadinyo iyadoo maalinba cinwaan cusub loo soo curinayo.

Runtii qofka geeriyooday wuxuu tagay hoygiisii rasmiga ah haddii aad tahay qof ka naxaysa sida aan sheegato Alle uga bari in uu u naxariisto oo uu ka yeello kuwa adduun iyo aakhiro ku liibaana ee laga xorreeyo naarta Jahnabo sidoo kalana inuu Alle fududeeyo in gacanta lagu soo dhigo gacan ku dhiiglaha dilay walaalkaa ama saaxiibkaa oo sharciga la marsiiyo balse muuqaalka meydka saaxiibkaa baan dhaqaale ku raadsani haddana waxay ka xumahay wixii ku dhacay waa( KAAF IYO KALA DHEERI) saaxiibayaal dib aynu iskugu laabano oo arrintan wax ka beddelno haddii Alle idmo.

W/Q: Abdirahman British

E-mail: britishfure@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid