Jawaab ku socota Jiinow Sharmaarke

Waa jawaab loo celinayo maqaalki Jiinow Sharmarke oo ku soo baxay somaliweyn 20/7/2014.

Sharmarke waa nin aan weligiis maqal cod aan kiisa ahayn oon aqrinin qoraalkiisa waxaan ahayn, waayoo maalintii uu dhameeyay tababarki kombyuterka wuxuu aaminay inuu gaaray goolki ow u socday. Waxaa intaas u dheer maalinti uu damcay  inuu galo tartantki doorashada Madaxweyne, wuxuu qaatay darajo diblomaasi ah wuxuuna magacisa ka hormariyay His Excellency meel uu ku muteystay lama haayo.  Wuxuuse la mid yahay Saajin talyaani ahaa oo ahaa askari aad u karti badan laakin kharmiga aad u cabi jiray markaasaa Janankiisa u yeeray oo yiri “haddii aad xooga yereyn lahayn khamriga waa ku dallacsiin lahaa!!  Saajinki wuxuu ku jawaabay “signor generale se prendo tre pichierini mi sento gia’ colonello”!!! ( seddax koob hadaan cabo waxaan isu beddelayaa korneel).

Jiinow Sharmarke markuu hamiyay inuu isu rashaxo madaxweyne wuxuu ismooday inuu Madaxweyne yahay markaasuu qaatay H.E.waana darajo, sida muuqata, uusan weligii gaari doonin.

Waxaadan ogeyn in Cali Mahdi yahay qofka aan marna isu rashaxin Madaxweyne laakin odayaashi berigaa joogay ayaa u doortay sidaa ayuuna ku oggolaaday…laakin Caydiid oo ahaa cadawga ugu weyn ee ay Soomaali yeelato ayaa diiday oo burburka, barakaca iyo caqliyadda qallafsan ee manta ku baahday  dalka horseeday.  Cali Mahdi waa qofka ugu sharafta badan uguna akhlaaq fiican ee soo mara madaxtinnimo Soomaali, hadduusan asaga ahayna Caydiid Soomaaliya oo dhan ayuu burburin lahaa. Waxaase ka badbaadiyay oo hammigiisa hakiyay Cali Mahdi (mahadi ha ka grtee) oo loo qiray inuu yahay Zaciim ay u dhan yihiin tilmaamaha asaasiga u ah hogaan dal, taas oo ay qireen beesha caalamka oo dhan badankooda.

CabdiQaasim, madaweynihi fadhiidka ahaa, ayaa mar uu socdaal ku tegay dalalka dibadda qiray in dhibaatada heysata dalka ay horseed ka yihiin dadka ka soo jeeda gobollada dhexe.(Mudug ka soo billaw Matabaan ku dheammey).

Sheikh Shariif wuxuu ku soo beegmay xilli aad xasaasi u ahaa oo dalka ay Amxaaro burburisay, cadawgii gudaha uu ugu weynaa Madaxweynihi ka horreeyay, ay xoog leeyahiin, wuxuuna horseeday degganaan iyo damac dowladnimo oo billaabatay…Nin qabiil ma ahayn, ma jirin hal wasiir oo tolkiisaa, qof kastana waa qanci jiryay, xataa kuwa ugu qalloocan sida Faroole iyo saaxibkiis Shariif Sakin, wuxuuse qanci waayay Xasan Dahir oo rabay inuu booska ka kacsado. Wuxuu xilkiisa uga degay si sharaf leh uu dareemi karo qofka caqligiisa adeegsada, qofka sita cabbirka saxda ah iyo shucuur wadaninnimo.  Sharmarke wuxuu ku eedeeyay inuu u debecsanaa dadka ka soo horjeeda, waa eedeyn rakhiis ah kuna saleysan aragti yaro.

Marki la baaray jirrada heysa Jiinow Sharmarke waxaa lagu tashkhiisay oo ay isugu ururtay isir-neceyb, waxaana markhaati u ah inuu eedeyn aan jirin iyo aflagaado la daba kacay ummad dhan ay ka soo bexeen Madaxdi ugu fiicneyd dalka..haddeysan fiicneyn mar dambe lama dooran lahayn nin iyagaa.   Madaxweyne Hassan Sh. Maxamuud waa ninka ugu aqoonta fiican ee dalkan madax ka naqday, waa nin caqli badan oo la noolaan kara cimilo wada sumeysan (dangerly poisoned environment), adduunkuna uu u qiray inuu yahay Zaciim dalkaan meel fiican gaarsiin kara, horseedi kara horumar iyo degannaan, haddii la siiyo fursad uu ku dhammeeyo qorshaha uu degsaday.

Eedda ugu weyn ee uu u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheikh waxay la mid tahay tii ay soo jeedisay islaan ka hadashay Puntland, Caasha Abdalla, oo tiri waxaan arki jiray isagoo lugeynaya!!! waxayna timid Xamar iyadoo ISUZU dusha ka saran..laakin waxaa laga yabaa inay Cabdiweli ka rabto jago waana ka heleysaa haddii ay wax sax ah ku eedeyso Madaxweynaha oo aysan noqon sidi Sharmarke. Wax eed ama ceebo ah ow ku cadeeyay madaxweynayaashi ma jiraan, laakin hammigiisu wuxuu ku koobnaa inuu caayo jufo aad uga qiima iyo qaaya weyn, kana xishoota inay u dhaqanto sidiisa oo kale.

Talooyinka la yaabka leh uu so jeediyay Jiinow waxaa ka mida Mursade halloo dhiibo talada, taasuu ka filaayo inay la saftaan, ayna illaabaan dhagarti, dhici iyo gumaadki uu u geystay Caydiid.    

W/Q: Axmad Calasow

ahmedalasso@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid